Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Wacad Ku Maray In Aanu Maalin Muddo Kordhin Ah Qaadan Doonin, Guddoomiye Cirro & Xildhibaanada Wakiilada Oo Laga Dhur Sugaayo Inay Qaatan Mawqif Lamid Ah Midka Madaxweynahu Muujiyay

0
776

“Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku Ma Ku Qaban Doonaan Doorashada Wakhtigeedi Mar Haddii Madaxweynuhu Iska Xarimay Muddo Kordhin?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa siduu warar hoose ku helay Wargayska Somalilandtoday, wuxuu wacad kumaray in aanu qaadan doonin oo rabin wax muddo kordhin ah oo loogu sameeyo kursiga hoggaaminta dalka ee uu ku fadhiyo.

Siday xaqiijinayaan wararka Wargayska Somalilandtoday helay, Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu u dhoofin dalka Turkiga wuxuu  kala shekaystay xubno siyaasiyiin waa weyn ah muddada ka hadhay doorashada, waxaanu ka dareen celiyay hadalo Xisbiyada qaarkood kaga shakisanayeen muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isagoo daba socda hadal haynta Muddo kordhintaas wuxu dhaar ku maray in aanu maalin ku darsan doonin wax kasta oo dhaca muddo xileedkiisa, isagoo ku tiraabay inuu waligii mabda ahaan necbaa muddo kordhimaha, sidoo kale wuxu Madaxweynuhu masuuliyada doorashadu inay wakhtigiide ku dhacdo isaga riixay dhinaca Komiishanka Doorashooyinka oo uu sheegay inay shaqada laban laabaan, sidoo kale wuxu xusay inay Xukuumad ahaan wax kasta oo ka khuseeya doorashada diyaarin doonaan.

Dareenka Madaxweyne Siilaanyo eek u aadan muddo kordhinta ayaa meesha ka saaraya tuhumadii ku turi ku teenta aha ee laga qabay inay Madaxtooyadu danaynayso.  Geesta kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo kuraasta fadhiya sannadkii 11, halka muddo xileedkoodu aha 5-sanno, ayay bulshadu ka filaysaa inay qaataan dareen wadaniyadeed oo lamid ah midka Madaxweynaha. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro) oo dhanka kalena ah hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI  ayay dadku is waydiinayaan haddii aanu rabin muddo kordhin saddexaad oo isaga iyo Golahiisaba loo sameeyo wuxuu uga dagi la yahay kursiga una cadayn waayay aanu la qabin doonitaanka korodhsiimo kale oo ay u hanqal taagayaan Xildhibanadu.

Gebo gebadii in kasta oo wali ay cakirantahay nidaamkii saamiqaysiga Xildhibaanada Wakiilada lagu soo dooran laha, hadana waxa Koomiishanka Doorashooyinka dul saran masuuliyad ah inay wakhtigeedi ku qabtaan Doorashada mar haddii Madaxweynuhu maalin ku darsan doonin.