Xukuumadda Somaliland Oo Mawqif Cad Ka Istaagtay Nile Academy, Kana Leexatay Go’aankii Maamulka Muqdisho

0
812

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay dalka ka saari doonin hay’adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada Hargeysa, taas oo ay dawladda Somaliya amartay in dalkeeda laga saaro, ka dib markii ay sheegtay in Mr. Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii Turkigu uu madax u yahay hay’addan.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inaanay Somaliland dalkeeda ka saari doonin Nile Academy, maadaama aanay wax dambi ah ka gelin Somaliland islamarkaana jebin shuruucda dalka, waxaanu isagoo arrinta Nile Academy ka hadlaya uu ydihi  “Inagu waxaynu nahay Wadan Sharci leh, ciddii sharciga jabisana waxa la marinayaa wuxuu sharcigu ka yidhaahdo, umad sharci ku dhaqanta ayeynu nahay cidna iska eriyo mayno, cidna dhibaatayn mayno, ilaa ay sharcigeena jabiyaan, haddii ay jabiyaana Maxkmadda ayaa go’aamin doonta wixii laga yeeli lahaa, Nile Acadamay haddii aanay sharcigeena jabin  oo aanay dambi inaga galin kama eryi karno Wadankeena, kumana tacadiyi karno, inagana Somaliland baa la ina yidhaahda ee Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliyana teeda ayaa khuseeysa ee teenu ma khuseeyso.”

Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu kaloo ka hadlay weerarkii maleeshiyaadka Puntland shalay ku soo qaadeen Somaliland, waxaanu yidhi “Maanta [shalay] todobadii ayey Ciidamo Puntland soo weerareen Ciidankeena, iyagoo ka soo weeraray meel Dhahar u jirta 30-km, Ciidankeenu wuu is difaacay, ciidankii soo weerarayna dib ayuu u riixay, inagu haddii aynu nahay Somaliland waxaynu xaq u leenahay inaynu ilaashano xuduudeena, inagu waxaynu aamisan ahay ku wada noolanasha nabadeed iyo xaq-dhawrka xuduudaha, xuduudo aynaan lahayna kamaynu talaabin, ciddii inooga soo talawdana waxaanu xaq u leenahay inaynu iska difaacno, marka ugu horeysana waxaanu Puntland ugu baaqaynaa inay weerarka joojiso, oo nabada iyo xasiloonida ilaaliso, Ciidamadeenana waxaan ku boorinaynaa inay qaranka difaacan.”