Wasiir Cadami Iyo Taliye Shaqale Oo Ka Waramay Khasaaraha Ciidanka Qaranku Gaadhsiiyay Maleeshiyaadka Puntland

0
794

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, ayaa ka hadlay dagaalkii shalay dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada milateriga Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamada Somaliland iyo Puntland uu shalay dagaal ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Boodda-Cad oo 30km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Taliyaha oo war kooban soo saaray sheegay, in ciidamo ka tirsan Puntlanad ay shalay soo weerareen ciidamada Somaliland oo deganaa saldhiga Boodda-cad.

Wuxuu sheegay generaal Ismaaciil Shaqalle, in dagaalkaas ay ka qabsadeen ku qabteen saddex baabuur iyo lix maxbuus dagaal oo uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dagaalka ku jiray oo magacasiisu yahay Maxamed Canjeex.

General Ismaaciil Shaqalle faah-faahin kale ma bixin ee wuu gaabsaday, laakiin wuxuu sheegay in diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ka socoto deegaanada Sanaag bari oo dhan sidii loogu talo galay.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isna Geeska Afrika uga waramay dagaalkaas, waxaanu yidhi “Waa la is yaqaan, si walba waa la isku og yahay, wax badan oo iskaga keen qarsooni ma jiraan, mar iyo laba waa la isku dulqaata, dulqaadka iyo samirkuna xuduud bay leeyihiin, Diiwaangelinta iyo Doorashooyinku waa hanaanka wanaagsan ee wadamada horumarka ku taamaya, Puntland inuu nidaamkaasi ka hirgalo xaasid kuma nihin, laakiin waxa la yidhaahda muuminka laba god lagama wada qaniino, laba qaniinkii wey dhaaftay oo afar goor bay maraysaa, guud ahaana cida luuqada Afsomaliga ku hadasha wax intaas ka yar baa kala fogeysay, aynu aad u kala dambayno, dulqaadkuna xumad buu leeyahay ee waxaan ku talin lahaa in caqligu shaqeeyo oo caadifada laga tago, waxaanu u sheegaya shacabkayga iyo dadkayga u dareeray Diiwaangelinta  kamaanu filayn Puntland inay weerar soo qaado”

Wasiir Caddami mar uu digniin u diraayey Puntland waxa uu yidhi “Awal khaladka dhaca waxaanu u nisbayn jirnay shaqsiyaad, ku caan baxay, fal dambiyeedkaas laakiin maanta marka yidhaahdo oodii bay soo jabsatay amarkii sare ayaa loo soo dhiibay oo Ciidamo dalkoodii iyo deegaankoodii fadhiya, baa lagu soo duulay, waana wax aad iyo aad u nasiib daro ah, shacabka wanaagsan iyo ciidanka qaranka ee uu xaqa u hiiliyey, oo xaragadii dagaalna sameeyey, amaan iyo bogaadin baan u dirayaa, Ciidamada Puntland ee xuduuda ka soo gudbay ee na soo hungurayey samir iyo imaan midna odhan maayo, ee waxaan leeyahay ILLAAHAY markhaati ka ahaw, xuduudii samirkuna wey dhamaanaysaa, dib ha la iskugu noqdo oo waxa Afrika dib u dhigay, waa gardaradaas la is gardaraysanayo, oo aan loo aabo yeelaynin xuduudii iyo xaqii la isku lahaa”