“Shirka Garxajis Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Saaxadda Siyaasadda Ee Somaliland Inta Qiyaasi Kartaa Way Yartahay Wax Badan Ayaa Laga Yaabaa Inay Isbedeli Doonaan”.Cali-Guray.

0
824

Siyaasigga Cali-Gurray,ayaa ka hadlay saamaynta uu yeellan-doono shirka Beelaha GARXAJIS dhawaan la filayo inuu Guddaha Somaliland uga qabsoomo.

Muj.Cali-Gurray,ayaa sheegay inuu shirkaasi noqon doono mid wax weyn ka bedela Siyaasadda Somaliland,taas oo aannu rag badani sidaas uga war-qabin.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee facebook-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan “Shirkan Garxajis Rag Keligood Faqay Oo Wax Aan Rag Loo Quudhin Garxajis U Quudhay Ayaa Walee loogu Quus Goynayaa”LABA AWAL AH MAYA LABA GARXAJIS AH HAA”. Hadmaa Cudurka Habar Awal Garxajis Laga Gubi Jiray? Cudurka Kulmiye UCID ha laga gubo anigaa ku diiday Gudoomiyaha UCID. Shirka Garxajis saamaynta uu ku yeelan karo saaxadda Siyaasadda ee Somaliland inta qiyaasi kartaa way yartahay wax badan ayaa laga yaabaa inay isbedeli doonaan. Markaa maanaa Soodaanta keenay?”