“Iyagaa Khasaaraha Dhacay Ka Masuul Ah”

0
849

Gudoomiye xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyay bartiisa facbuugga kaga hadalay diiwaangelinta ka socota gobolka Sanaag iyo dagaalka shalay ka dhacay aagga Dhahar. Qoraalkiisuna wuxuu u dhignaa sidan;

“Hadal iyo dhamaantii Taliyaha Ciidanka Qaranku wuxu sheegay in sidii loogu talogalay ay Diiwaangelintu uga socoto dhamaan Goobaha Sanaag Bari oo dhan. Waxan filayaa in Taliyuhu war uu hubo uun ku waramay ilayn hadii aanay jirin kuma warameen eh. Waa markii ugu horeysay si cad loo shaaciyo waran xataa Komishanka Doorashooyinku may sheegin. Wararka ka soo duulduulayay habaqlaha Iyo xataa madaxda xisbiyadu warkoodu wuu ka duwanaa kan taliyuhu inoo xaqiijiyay. Xildhibaan Baar oo sheegtay inay ku sugan tahay sida warkani sheegayo magaalada Dhahar lafteeda ayaa iyaduna xaqiijisay in magaalada Dhahar ay tahay xaaladeedu caadi balse inay diiwaangelintu ka socotay iyo in kala may xaqiijin keliya xaaladda Dhahar ee dhinaca nabadgelyada ayuun buu warkeedu ku koobnaa. Xisbiyada Qaranka waxad moodaa in aanay wufuudii ka socotay gaadhin goobaha ka tirsan Sanaag Bari taas oo loo nisbayn karo sababo nabadgelyo.

Weliba qaarkood oo maalmihii ina dhaafay wax ka waydiiyay waxa ii sheegeen in Sanaag Bari aanay ku jirin goobaha ay ka socoto diiwaangelintu waxase laga yaabaa in iyaga laftoodu ay war la’aayeen. Degmada Fiqi Fuliye ama degaanka Dhulbahante waxan maqlay si caadi ah ay hawshu uga socoto sidii awalba la filayay taas oo ifafaale wanaagsan u noqon karta in dhamaan degmooyinka Gobolka Soolna rejo fiican laga qabi karo inay ka qabsoonto diiwaangelintu taas oo marka la isku soo xooriyo noqon karta guul hor leh Somaliland aanay weligeed hore u gaadhin ey tahay markii ugu horeysay. Halka u baahan in dedaal dheeraad ah laga galaa markaa waa Degmada Buuhoodle gaar ahaan magaalo madaxda gudaheeda Iyo inta ku dhawdhaw waana muhiim waayo ugu yaraan 15 kursi ee Gobolka Togdheer waxay ku haystaan keliya hal kursi oo is xambaar ah balse hadii ay codeeyaan waxay ka heli karaan ugu yaraana sedex kursi ugu badnaana shan kursi adigu isku celcelin afar kursi taas oo sedex kursi ay soo ceshan karaan. Ugu dambaystii wararka Sanaag Bari iyo guud ahaan sida ay diiwaangelintu uga socoto cidda aynu uga baahan nahay faahfaahin dheeraad ahi waa Komishanka Doorashooyinka oo ila hadda iyagu shibta ka galay.

Ta dagaalka dhacay iyo khasaarahiisa labada dhinacba wax lagu farxo kolay anigu uma arko mana u malaynayo in Maamulka Puntland oo gudihiisa xiligan ay ka jiraan khilaafyo iyo dhibaatooyin saameeyay min Bosaaso ilaa Gaalkacayo ay go’aansatay weerar ay ku qaado Somalland iyo muwaadiniin xaq u leh inay ka qayb galaan marka Doorashooyinka Somaliland. Go’aanka dadka degaanka mar kasta dhinaca Somaliland waa laga tixgelin jiray oo hadii aanay raali ka ahayn in doorashadu ka dhacdo degaanadooda waa loo tixgelin jiray ee laguma qasbi jirin lakiin hadii ay dadku raali ka yihiin xaq bay u leeyihiin Puntlandna inay u tixgeliso kuna ixtiraamto dadka degaanka go’aankooda waxay ku tahay waajib halka Somaliland aan lagu canaanan kari inay ka difaacdo cid kasta oo ka hortimaada nebadgeyada dadkeeda iyo dhulkeeda. Markaa dagaalka waxan is leeyahay wuxu ahaa mid ay ku dhaqaaqeen dad keliya oo ay caadifadi qaaday, iyaga ayaana khasaaraha dhacay ka masuul ah.”