Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Qab-qabtey Tahriibayaal Somali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Ururiyay Guri Ku Yaala Magaalada Hargeysa

0
738

Warar hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska caasimada magaalada hargeysa ay gacanta ku dhigeen tahriibayaal lagu ururiyay gudaha magaalada hargeysa oo doonayay inay tahriibaan.

Waxaana tahriibayaashan oo iskugu jiray Somali iyo Itoobiyaan laga qabtay degmada 26 June gaar ahaana xaafada 150-ka , waxaan tirada tahribayashan ay ciidanku qabteen lagu qiyaasay tiro kor u dhaafaysay ilaa 40 qof kuwaasi oo iskugu jiray Somali iyo itoobiyaan.

Waxaana ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen dadkaasi tahriibayaasha ah wallow aan la garanayn meesha ay u socdeen ee ay rabeen inay u tahriibaan.

Sidoo kalena wararka nasoo gaadhaya aya sheegaya inay goobta k baxsadeen dadkii tahriibinayay dadkan iyaga oo ay ciidamaduna ku daba jiraan, wallow ay wararka qaarna sheegayaan in ciidamdu qabteen qaar kamida dadkii ka ganacsanayay tahariibinta dadkan.