Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Difaacay Shirkii Masalaha

0
781

Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha gobalka Hargeysa, ayaa si adag u difaacay shir dhawaan magaalada Hargeysa ku dhex maray bulshada galbeedka Burco iyo koonfurta Hargeysa, kaas oo ay xukuumada iyo dad kaleba ka qaadeen sas islamarkaana ku qayliyeen.

Caaqilka oo shalay saxaafadda la hadlay, kana mid ahaa cuqaashii shirka qaban qaabisay, wuxuu difaacay shirkaas oo uu sheegay inay labada Beelood ka wada  hadlayeen danahooda gaarka ah, balse aanay wadin dhibaato iyo fitno kale oo dalka ka dhan ah. Caaqilku wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa  ka hadlay sidaad warbaahinta ka maqasheen Xaaji Cabdi iyio Suldaan Maxamed, shirkana waxay ku sheegeen wax ka duwan wixii uu ahaa oo ah inuu fitno dalka ku yahay, markaas anigu iyaga uma jawaabayo, laakiin eedda intaas leeg ee ay reerka saareen masuuliyad ayaa iga saaran inaan dhinac uga leexiyo inaanay jirin arrintaasi oo fitno reerku wadaa inaanay jirin aan umadda u cadeeyo, wax ka jiraana ma jiro, shirkuna wuxuu ka mid ahaa shirarka beelaha Somaliland ay qabsadaan waad ogaydeen beelaha Somaliland galbeed ilaa bari shirkii shirarkii la qabsaday. Shirkay isugu yimadeen kuwaas ayuun buu la mid yahay, xaqna way u leeyihiin inay shiraan oo ay danahooda ka wada hadlaan oo ay dhismaha dalkooda ka qayb qaataan xaqbay u leeyihiin, waxase ayaan darro ah dadkii shirarkaas badan ee Somaliland ka dhacay mid la mid ahuun qabsanayay in lagu beegsado in shirkoodu fitno yahay, xaq waxaan u leeyahay in reerka aan ka soo jeeda aanu horumar mooyee dhibaato wadin.”

Caaqilku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  ‘Dadka siyaasiyiinta ah ee shirkaas lagu shaambadeeyay waa lagu soo martiqaaday ee wax ay ka ogyihiin ma jirto, beel walibana markay shiraysay siyaasiyiintooda waa lagu soo martiqaaday xaqna way u leeyihiin, niman colaad hurin karana maaha, shirkaas dadka fadhiyay waxa ka mid ahaa Xasan Guure iyo Maxamed Baaruud oo nabadda iyo dadku inay heshiiyaan dhibkay u soo mareen Somaliland oo dhami ogtahay.”

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya shirkan, wuxuu yidhi “Arrintaas ujeedadeedu waxay ahayd in beeshu danaheeda ka tashato, waanay ka shiraysaa, kana tashanaysaa sidii beelaha kale ayay xaq u leedahay, ciddii is hortaagtaana waxay noqonaysaa idinkuun baan shiri karinee dadka kale waa u fasax, taasina Somaliland waa isku xuquuqoo ilama aha inay macquul tahay.”

Ugu dambayn wuxuu Caaqil Jaambiir sheegay in shirkaasi aanu shar u ahayn qaranka balse uu u yahay nabad iyo caano iyo horumar, waxaanu cid kasta oo wiiqaysa ugu baaqay inay faraha kala baxaan shirka beeshu ku tashanayso.