Xukuumada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Wasiir Ka Tirsan Maamul Goboleedka Puntland

0
863

Dagaal ka dhacay aaga Dhahar ;Taliyaha guud ee ciidamada milleteriga somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa goor dhoweyd cadeeyay in ciidamada somaliland iyo puntland uu saaka dagaal ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Boodda-cad oo 30km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Dhahar ee gobolka sanaag .
Taliyaha oo war kooban soo saaray wuxuu BBC u sheegay in ciidamo ka tirsan puntlanad ay saaka soo weerareen ciidamada somaliland oo deganaa saldhiga Boodda-cad . wuxuu sheegay generaal Ismaaciil Shaqalle -waa siduu hadalka u dhigaye- in dagaalkaasi ay ciidamada somaliland ku jebiyeen kuwa puntland , kana qabteen saddex baabuur iyo lix maxbuus dagaal oo uu ka mid yahay ayuu yidhi
xildhibaan ka tirsan baarllamaanka puntland oo dagaalka ku jiray oo magacasiisu yahay Maxamed Canjeex , horena u ahaan jiray ayuu yidhi wasiir-xigeenka wasaaradda awqaafta ee maamulka puntland .
General Ismaaciil Shaqalle faah-faahin kale ma bixin ee wuu gaabsaday ,laakiin wuxuu sheegay in diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada somaliland ka socoto deegaanada sanaag bari oo dhan sidii loogu talo galay .
Xildhibaanad Baar Saciid oo ka tirsan baarllamaanka somaliland lagana soo doorto degmada Dhahar oo telifoonka BBC ugu warantay iyadoo joogta magaalada Dhahar waxay sheegtay in magaalada Dhahar caadi tahay , dagaalkuna ka durugsanaa .

Warar madax banaan ayaa BBC u sheegay in diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada somaliland oo ka bilaabantay guud ahaan gobolka sanaag 16july2016 haatan goobo ka mid ah sanaag bari siiba degmada Dhahar aanay ka qabsoomin xagga nabadgelyada awgeed oo ay deegaanadaasi ku murmaan maamulkooda somaliland iyo puntland .