“Shicibku Dooni-maayo Nin Yidhaahda Annaa Reer Hebel Ah Oo [Haddana] Madaxtinnimo Raadinaya, Ninka Saaka Reer Bilaabaa-na Fidno Ayuu Wadaaye Innaga Illaaliya”

0
767

Ruug-caddaaga reer Somalialnd Ee X. Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe)

 “Dawlad Beynu Nahay Oo Saddex Xisbi Baa Jira Ee Ninba Ka Uu Doono Ha ka Dhex Hadlo Laakiin Reer Baanu Nahay Oo Meel Baanu Ku Shiraynaa Waa Magac Xumo”

+++++

“Raggaas Abaabulka Wada Waxaan Leeyahay, Goor Aynu Bilawno Qabaalad Ma Joogno, Innaguna  [Garxajis Ahaan] Intaynu Qabyaalladii Ka Baxnay BaynuMaxamed Subeer La Walaallownaw…. Immikana  Ma Ogolin Qabyaallad”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Mudanayaasha Golaha Guurtida, ahna Odayga Somaliland, ayaa sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn Shir dhawaanahanba la sheegayey inay Beelaha Garxajis wadaan abaabulkiisa oo ay qabanayaan, kaasoo uu hore Suldaanka Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ugu eedeeyey abaabulkiisa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Xaaji Cabdi-Waraabe, waxa uu sheegay inaan loo baahnayn wakhtigan Shirar-beeleedyo laga qabto ama laga abaabulo Somaliland, sidaas awgeedna waxa uu soo jeediyey in la joojiyo qabashada Shirka Beelaha Garxajis abaabulkiisa inay wadaan la sheegay. “Shirkaasi daw maaha, goor aynu ku noqonno qabaalad [qabyaallad] ma joogno, [waayo] waxaynu cuud iyo curadba ku weynay qabyaallada baabi’inteeda, haddaynu iyadii immika bilownana dee hambadeena ayaa is raacaysa, markaa ceeb weeye”. Sidaasi ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, oo maalintii shalay warbaahinta qaarkeed ugu warramay aqalkiisa magaallada Hargeysa. Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu hadalkiisa ku ladhay isaga oo abaaraya kooxaha abaabulaya shir beelleedkaasi  “ Iyaga, Garxajiskaas la sheegay iyo qolo kale midna inuu qolo ku shiro maaha, waayo xisbiyo ayaa la furay oo dawlad baynu nahay, saddex xisbi baa jira ee xisbigu waa inuu shiraa oo laga  dhex hadlaa ninba ka uu doono ha ka dhex hadlee, laakiin reer baanu nahay oo meel baanu ku shiraynaa waa magac xumo’e  Midhkaasi yuu dhicin”. Ayuu yidhi Xaajigu, waxana uu intaa ku daray “Ragga Odayaasha ah ee la yidhi shaqadaas bay abaabulayaan oo ay ku jiraan ama ka hadleen waxaan leeyahay waa in ay ka noqdaan. Nin Madaxnimo doonayaa Anaa reer Hebel ah  inuu yidhaahdaa dee isagaa dadkii iyo dalkiiba  iska xidhay, xisbi baa lagu soo baxayaa ee reer Hebel lagu soo bixi maayo shicibkuna dooni maayo waxaas. Ninka Saaka reer Hebel bilaabaa Fidno ayuu wadaaye  innaga illaaliya, waa fidno doon hambadeena iyo hurdadeena innaga kicinaya”. Gebogabadii waxaa uu farriin gaar ah u diray siyaasiyiinta ku hawlan abaabulka shirkaas, waxaana uu yidhi “Siyaasiyiintaasi ha ka baxdo shirkaas, shicibkuna yuu maqlin qabaalad, waayo goor aynu bilawno qabaalad ma joogno, innaguna [Garxajis ahaan] Inta aynu qabyaalladdii ka baxnay baynu Maxamed Subeer [Subeer Awal] La Walaallownay, waaba’se Somaliland qabyaalad ka dhex bilow immika,  Ninkii Xisbi ka hadlayaa ha ka dhex hadlo laakiin  Annagu  ma ogolin qabyaalad”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe).