Safarka Madaxwayne Siilaanyo Kadib, Qorshaha Isku Shaandhaynta Ee Soo Laabashadiisa Iyo Masuuliyiinta Safka Hore Ku Jira Ee Wadnaha Farta Ku Haya

0
859

Iyada oo uu madaxwayne Siilaanyo safar nasasho ah uu saddexdii casho ee u danbeeyey ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo Itoobiya aya waxa la hadal hayaa inuu dalka kula soo laabanayo qorshe uushaqada kaga eryayo masuuliyiin badan oo ka tirsan golaha wasiirada qaaarna isku shaandhaynayo , kuwaasi oo qaarkood durba laga dareemayo dhaq-dhaqaaqooda. Inkaste oo hore dib loogu dhigay muran ka taagnaa wareejinta dekeda magaalada berbera.

Warar madaxa banaan oo wargeyska Foore helay ayaa noo xaqiijiyay in madaxwayne Siilaanyo marka uu kasoo laabto safarkan ay dalka turkiga ugu maqan yihiin isaga iyo qoyskiisu uu seefta la dhex qaadi doono golahiisa xukuumadda kuwaasi oo ka hor intii aanu dalka ka bixin u sii qorshaystay oo uu sii xushay .

Sida la sheegay waxa ay talaabadani noqonaysaa qorshihii ugu danbeeyey ee madaxwayne Siilaanyo ku kala hufo golahisa xukuumadda ka hor inta aan la gaadhin dhamaadka muddo xileedkiisa labaad, waxana k shidaal qaadan doonaa dhawr jiho oo ay ku jirto dhisida xisbiga KULMIYE iyo hirgalinta wareejinta dekeda berbera isaga  oo xulan doona isla markaana la sheegay inuu magacaabi doono oo uu kusoo dari doono xukumaddiisa rag door ah oo magac wayn ku dhex leh bulshada kuwaasi oo uu rajaynayo inay la dhamaystiraan hawlo badan oo qabyo ka ah xukumaddiisa.

Masuuliyiinta safka hore kaga jira liiska xukumadda laga caydhinayo ayaa sida la sheegay waxa ay u badan yihiin gobolka Gabiley, iyo gobolka Saaxil.,waxaana sida la sheegay kaalinta koowaad ku jira masuuliyiinta xukumadda kaga jira gobolka Saaxil kuwasi oo ay madaxtooyadu si wayn u saluugsan tahay qaabka ay uga hawl galeen waareejinta dekeda berbera iyo sida ay u qaabileen kacdoonka reer Saaxil ay kaga soo horjeedaan heshiiska xukuumaddu la gashay shirkada DP World  oo ay waliba xukumaddu ka shaki qabto inay masuuliyiintani qaarkood kacdoonadaasi ay dabada ka riixayaan.

Xisbiga KULMIYE ayaa saluug wayn ka qaba masuuliyiinta xukumada kaga jira gobolka Gabiley waxaana loo arkaa inay jiraan masuuliyiin ka miisan culus oo gobolkaasi ku ilaalin kara muxaafidnimo kuwaasi oo uu xisbiga aad u danaynayo in xukumadda lagu soo daro.

Sidoo kale waxa jira wasaaraddi dhaliilo badan ay dul hoganayaan oo ay isha madaxtooyadu hayso kuwaasi oo fadhiid noqday isla markaana kaalin wayn shaqada qaranka kaga jira, Wasaaraddaha ay  isku shaandhayntani saamaynayso waxay u badan yihiin wasaaradiihii ay wasiiradu iska casileen ee sida deg deg ah loo buuxiyay, waxaana wasaaradahaasi ku dhacay jaho wareer iyo masuuliyiin aan laga fiirsan heerkooda aqooneed oo deg deg loogu buuxiyay  taasi oo keentay inay ku haftaan, isla markaan ay shaqaalaha isla qabsan kari wayaan .

Waxa iyaguna ku jira wasaarado loo dhiibay masuuliyiin heer wasiirnimo ka meeqaam hooseeya oo deg deg lo dalacsiiyay wakhtigii kooxda wasiirada ah iska casileen xukumadda, kuwaasi oo iyaguna carqalad ku noqday hanaankii shaqo ee wasaaradahaasi, waxa la rajaynayaa inay kuwaasi ka mid yihiin meelaha isku shaandhayntaasi saamaynayso ee uu madaxwayne ka shiidaal qaadanayo.