Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan Ku Jira Iyo Taliye Ka Dhawaajiyay Inay Cagta Marinayaan Cidii Ka Hor Timaada Diiwaangalinta

0
771

Ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan jiida hore ee bariga sanaag ayaa heegan buuxa ka galay inay tallaabo ka qaadaan qorsheyaal ay maamulka puntland ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a socota gobolka sanaag, kadib hadalo kasoo yeedhay maamulka Puntland oo ay ku sheegayaan inay dawlada somaliland kusoo xadgudbeen.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka sanaag Col xmed Siciid Gegaroor oo u waramay idaacada VOA ayaa sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo ka jira gobolka sanaag isla markaana ay ciidanka qaranka Somaliland diyaar u yihiin inay dalka ka difaacaan cidii kusoo xadgudbaysa diiwangalintuna si nabad ah u socoto.

Taliye Axmed Gegaroor waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax iska hor imaad ah oo ciidanka qaranka iyo kuwa maamulka puntland ku dhex maray bariga sanaag,isla markaana ay goobaha diiwanglaintu ay si habsami le uga asocdaan kuna sugan yihiin masuuliyiinta qaranka qaarkood degaanadaasi.

Col Axmed Sicidi Gegaroor oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi

“Diiwaan glintu si nabad ah ayay u socotaa wax ciidan ah ooh or socdaana ma jiraan,ciidan boolis ah oo goobaha diiwaangalinta sugaya mooyaane,ciidanka qarankuna waxa uu u xil saaran yahay  inuu xuduudaha dalka difaaco, diiwaangalintuna waa rabitaan shacab oo ma aha mid dadka xabad lagu soo kaxaynayo oo la khasbayo, , waxa dhibaato ah oo aaanu anagu ognahayna ma jiraan haba yaraatee oo aan ciidamo iska hor yimid iyo qalaale kajira, magaalooyinka bariga sanaag ayaa anigu jooga wax ka jiraana ma jiran oo waxa lagu soo dhaweeyey wafuuda qaranka oo ay wasiiro hogaaminayaan, deegaanada dhana socod ayay ku mari doonaan, waxa la sheegayana inamo yar yar ayaa moobilo inta la yidhi kusoo qaada la odhanayaa mudahaarad ayaa la sameeyey,laakiin wax muuqda ma aha oo shacabka iyo madax-dhaqameedku way midaysan yihiin, wax dhibaato ah habayaraatee goob goobaha kamid ha k dhacayna m ajiraan” sidaas ayuu yidhi Taliy Gegaroor.

Taliye xmed Gegaroor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyay  “ Ciidamada difaaca qaranka way joogaan gobolka oo shaqadooda iyo waajibkooda ayay u jogaan .hadii ay wax arkaan wax faro galin ah ama dhibaato ah ku ah arimaha socdana ee dawlada Somaliland way ka hortagayaan waana shaqada ay ciidan u yihiin, laakiin ma jiro ciidan kusoo duulay gobolka sanaag iyo iska hor imaad dhacay toona ma jiraan,  shacabkuna waa rabitaan diiwaangalintu oo ma aha wax lagu qasbayo Somaliland-na qansan maysno, puntland qabsan mayso waa waxay iyagu doortaan”

Hadalkan taliayah ayaa jawaab u ahaa hadalo kasoo yeedhay maamulka puntland oo ay ku sheegayan inay jamhuuriyada Somaliland kusoo xad gudubtay deegaano ay ka taliyaan taasi oo ay sheegeeen inay kamid yihiin bariga sanaag oo ay ka digeen inuu isku dhac ka dhasho.