“Xisbiga UCID Noqon Maayo Mid Loo Sadqeeyo Xisbiga KULMIYE” Jamaal Cali Xuseen

0
810

Musharrax jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamal Cali Xuseen oo Shir Jaraa’id Maanta ku qabtay Xarunta guud ee Xisbiga, ayaa raali-gelin ka bixiyey Hadallo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Ucid, kula dul kuffeen Dadweynaha reer Sanaag. Sidoo kalena Musharraxa ayaa ka hadlay qorshaha Muddo Kordhineed ee golaha Wakiiladda dhaqdhaqaajinayaan, waxanu sheegay inay doonayan iyaggu, balse aanu Madaxweynuhu Rabin, waxa kalo uu dadka reer Sanaag ugu baaqay inay isdiiwaageliyaan, Musharraxa oo arrimahan iyo kuwo kaleba ka hadlaya waxa uu yidhi sidan.

“Dadweynaha gobolka Sanaag waan u Hambalyeynayaa, waxanan ku dhiiri gelinayaa inay is diiwaangeliyaan, furitaankii Diiwaangelintii idin lamanan joogin wanan ka Cudur daaranaya waayo Soomaliddu waxay ku maahmahdaa Dameeraley dad la kalmaha. Anigu Xisbiyadda kale la mid ma nihiin, marka inaan Filim Idin metello manan dooneyn ee waxanu dooneynaa in marka Go’aanka dacwaddu soo baxo in anagoo arrinkayagu degen yahay idin nimaadno wanan idin iman doonaa. Gobolka Sanaag waa mid weyn oo baaxdleh, wanan ka xumahay aflagadada idinka soo gaadhay qaar kamid ah Madaxda dalka, laakin uma qalantaan reer  sanaag taageero baalaadhan ayey siiyeen Xisbiga Ucid, Doorashaddii golaha deegaanka ee aan idinku imid kaalin wanaagsanna waan ka galnayn, soo saaristii xisbigana qayb ayaad ka qaadateen”.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa uu  sheegay inaanu Jirin Codsi Muddo Kordhineed oo Madaxweynuhu u gudbiyey golaha wakiiladda, waxanu qorshaha ku tilmaamay mid ay Golaha wakiiladdu iyaggu ku doonayaan inay mudada kusii dheereystaan oo iska fadhiyaan Kuraasta, waxanu sheegay inay yihiin kuwo fashilmay, waxanu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala Diro.  “Waxaan leeyahay Madaxweynaha yaan la ceebeyn, Afhayeenkiisu waakii hadlay ee yidhi Madaxweynuhu arrinkaa kuma jiro. Idinkuna afhayeenkii Madaxweynaha ma tihidin, idin kamanu Codsan haduu madaxweynuhu la yimaadana waa la arki doonaa ee arrinkaa waxba hakula galgalinina Madaxweynaha Iidinka ayaa doonaya in la idin kordhiyo, weliba Iidinkoo 11-sanadood fadhiyey, dalkuna halkuu maanta ka fadhiyo waa Baarlamaanka. Waxa ayaan darro ah Nimankaa 11-ka sanadood fadhiyey ee aan sameyn Xeerkii lagu dooran lahaa, waana in lala xisaabtamo.  Kolay Madaxweynuhu wuu maqan yahay wanan ku dhiiri gelinaynaa insha allah, waxanan filaya in la gaadhay Xilligii la kala diri lahaa Golaha Wakiiladda, wana dad bila tayo ah oo aan doonaya inay dalka doorasho ka dhacdo oo ay ka kacan Kuraasta. Haday Madaxdu sharciga ilaalin weydo dalka dhibaato ayey u keenan, shacabkuna baaxad ayuu leeyahay. Waad arkeyseen xalay wixii Turkiga ka dhacay,  shacabku haddii ay idinki  kaco Kuraastaa fadhiyi maysan”.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo la hadlaya Dadweynaha Reer Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga Ucid waxa uu yidhi. “Taageerayaasha Xisbiga Ucid waxan leeyahay waanka xummahay Xisbiga Khalkhalka soo kala dhex galay, inay gaadho in  Maxkamad la isla tago, waayo way nagu kaliftay. Waxana la isku haystaa xisbiga aniga leh oo waxaan doonan sameynayaa iyo Xisbiga waa la wada leeyahaay oo Umadda ayaa leh, waxanu kusoo baxay 120,000  oo Cod. Xildhibaano ayaa kasoo baxay, dad ayaa maalkooddii ku bixiyey, dad ayaa u Codeeyey. Markaa ta aan ka hadlaynaa waa taas oo xisbigu waa mid Qaran, dacwadduna waa taas, go’aankeediina waanu sugeynaa. Todobaadkan ayayna soo baxaysaa, markaa dhaqdhaqaaqisii waanu sameyn doonaa, waanaanu Ixtiraameynay Guddida Diiwanagelintaa ee hawshaa gacanta ku haysaa. Maadaama oo Guddidu soo saartay warqad inaan la sameyn wax  magaacaabis, waxna la eryin, waxna la sameyn tasaanan Ixtiraameynayn. Waxanu doona waanu sameyn kareynayn laakin qofka Madaxda ahii waa inuu sharciga Ixtiraamo, dadka qaar ayaa la yaaban Madaxda sidaas u dhaqmeysaa, anagu Cid caayi mayso, cidna aflagaadeyn mayno, dalkana waxaanu I imi inuu dalku inoo hagaago”.

Mushaarrax Jamaal waxa uu sheegaya inaanu xisbiga Ucid noqon diini mid u shaqeeya Xisbiga Kulmiye oo uu kolba Isticmaalo. Waxanu yidhi. “Xisbiga Ucid noqon maayo mid loo sadqeeyo Xisbiga Kulmiye (Sibisteeshin) u noqon maayo, ee wuxuu noqonayaa mid Qaran oo keligii Taagan. Oo sidii ay taageerayaashadu nagula ballaameen ee ahaa inaanu Mucaarid wax toosiya noqono tii ayaanu ka dhabaynaynaa. Mana noqon doono mid kolbaa la yara isticmaalo oo Kulmiye u shaqeeya. Wanan ku kalsoonahay shacabku siday noo garab joogan”.