WAR DEG DEG AH: Fanaan caan ah oo Hargeysa ku Geeriyooday

0
720

Allaha U  naxariistee waxaa maanta galinkii Dambe ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa fanaankii caanka ahaa ee Shay Mire Dacar.

Geeridda Fanaanka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Walaalkii Caabi Mire Dacar oo isna ka mid ah fanaaniinta Soomaalida.Caabi Mire Dacar waxaa uu sheegay in muddooyinkii dambe uu Shay Mire Dacar uu xaalad Caafimaad daro u jiifay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Shay Mire Dacar, oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansan Soomaalida waxaa uu fanka ku biiray sanadihii 80kii, waxaana uu ka bilaabay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Shay Mire Dacar waxaa uu ahaa fanaantii loogu jecel yahay codkooda markay ay heesayaan, waxaa uu qaadi heeso badan oo Soomaaliya, waxaana uu ka qaybgalay bandhigyo badan oo lagu qabtay Gudaha Somaliya iyo Dalka Dibadiisaba.