“Suuro-gal Noqon Mayso In Qofka Been Abuur Saxaafadda Mariyey Uu Shaqo U Sii Qabto Qaranka”

0
831

Wasiir GARAS Oo Taageeray Go’aan Ay Jaamacadda Hargeysi Soo Saartay, Kana Hadlay Gunno La Sheegay In Macalimiinta Dawladda Laga Gooyey

 “Haddii Eedo Naloo Jeediyey Ma Ah In Aanu Ka Gubanno, Hase Yeeshee Haddii Si Qaawan Loo Wada Hadlo Waa Ayaan Darro Inteeda Le’eg, Eedahaasina wax immika dhacayna Iyo Wax Hore U dhacay Iyo Wax Dhici Doona Midna Maaha”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa ka hadlay warar sheegaya in wasaaraddoodu ay gunnadii ka jartay qaar kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dawliga ah ee dalka,  kuwaas oo eedo u soo jeediyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Garas oo shalay waraysi gaar ah siiyey telefishanka Somali Cable ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi oo uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay been in laga sheego maamulka wasaaradda. “Runtii maaha in aanu ka gubano haddii la yidhaahdo wax baa jeeb galay [eedo naloo soo jeediyey], hase yeeshee macalinka oo ah waalidka labaad ee ardaygu waxaa ay ku qurux badan tahay haddii uu wax sheeganayo in uu ku dhaqmo akhlaaqiyaadka laga rabo qofka isaga oo kale ah, in ay maamulka wasaaradda utimaado cidda cabanaysaa ayay ku qurux badnayd, laakiinse haddii wax waliba ay warbaahinta innaga galaan ama banaanka si qaawan loogu wada hadlo waa ayaan darro inteeda le’eg, taasina suurto gal ka dhigi mayso qofka masuul sheeganaya ee hadallo  been abuur ah saxaafad mariyey in uu shaqo u sii qabto qaranka”.  Sidaasi ayuu yidhi Wasiir Garas, waxana uu intaa ku daray “Macalimiinta waa aynu ognahay oo laf dhabartii dalka, waxa [tacliinta] ay ubadka baraan iyo waxa [dakhliga] soo galaana inay aad u kala duwan yihiin waa aynu ka dharagsannahay, Run ahaanse [waxa muhiim ah in la ogaado] Macalinku waxa uu helayaa in ay ku xidhan tahay kartidiisa. Aniga laftayduna bahda macalimiinta qayb baan ka ahay oo culayska saaran waan garan karaa, Jaamacadda Hargeysa ayaan sanadkii 2005-tii illaa immika aan  si aan joogto ahayn macalin uga ahay wax ka dhiga, sidaasi oo ay tahayna haddii waxa [tacliinta] aad dhigayso haddii aad lacag ku qiimayso waa kala duwan yihiin, maadaama oo macallinnimadu ay sideedaba tahay tabaruc aad dadkaaga iyo dalkaaga ku bixinayso”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay wasiirku. Mar uu Wasiir ku xigeenka tacliintu ka hadlayay eedaha loo soo jeediyey ee ah in ay macalimiinta dugsiyada dawladda ka gooyeen gunnadiina waxaa uu yidhi “Runtii wax alla wax ka jira eedaasi ma jirto, waana mid aan sal iyo raad tooona lahayn, wax immika dhacayna maaha, wax hore u dhacayna maaha, wax dhici doonana maaha”. Geesta kale mar wax laga weydiiyey wasiirka cabashooyin ka soo yeedhay ardayda wax ka barata jaamacadda Hargeysa, waxaa uu ku jawaabay “Anigu [Garas ahaan] waxaan ahaa Masuulkii dalbaday in wasaaraddu ay dib u eegto [cabashada ardaydaas] oo ay hawshooda gasho, aniga iyo agaasimaha guud ee tacliinta sare, aakhirkii anigoo wasiirka metelaya waxaan arrintaas u saaray agaasimaha guud ee tacliinta sare, waxaanay ku soo gebogabeeyeeen oo agaasimaha guud qoraal ku soo saaray  in ay jaamicadda Hargeysa go’aankeedii ku saxsan tahay, markii baadhitaan dheer uu sameeyey, wixii macluumaad ah ee sheegaya in ay go’aankaas ku saxsan tahayna iyada oo qoraal ah bay wasaaradda taallaa, waxaana fiican in ardaydu ay ku qanacdo go’aan marka la gaadho” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas.