Shirkada DAHABSHIIL oo qaadhaan Lacageed markii Labaad ugu Deeqday Dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa & Burco

0
791

Hargeysa- Shirkada Dahabshiil oo hormood u ah Qaarada Afrika Xawilaadaha lacagaha ayaa markii labaad shalay ku wareejisay deeq lacageed oo loogu tallogalay dhismaha waddo isku xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco guddi u xilsaaran maamulka dhismaha waddadaa.

Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee Dahabshiil DMT ee Xawilaadaha Lacagaha Axmed Warsame Ducaale, ayaa munaasibadii wareejinta deeqda ka muujiyey sida guud ahaan shirkadda, iyo guud ahaan shirkadaha kala duwan ee Dahabshiil Group, ay mar walba uga qaataan kaalin muuqata dhamaan mashaariicda bulshadu isku-caawiso guud ahaan deegaanada shirkada Dahabshiil ka hawlgalaan caalamka iuo deegaannada Soomaalidaba.

“Shirkada Dahabshiil ka daali mayso garab-istaaga bulsho kastoo u dhaqaaqda horumarinta noloshooda, sida helitaanka kaabayaasha waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iwm ee deegaamadooda. Shirkadu Dahabshiil waa u diyaar garabsiinta macaamiishooda meel kastoo suurtagal ah.” Ayuu sheegay.

Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka dhismaha waddada hargeysa iyo Burco, Cawil Yuusuf Dhiif, ayaa tilmaamay in dhamaystirka masaafo gaadhaya 150 Km oo dhismaha waddada oo lagu mari jiray wakhti gaadhaya 4 ilaa 5 saacadood dhismaheedu wakhtigan u soo koobnaaday, oo kala-badh lagu marayo safarkii.

“Qofka baabuurka ka kaxaysta Hargeya, tusaale ahaan”, ayuu yidhi, “wuxuu ku gaadhayaa Burco laba saacadood gudahood iyadoo aan daal badan haleelin’.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha waddadani sare u qaadi doonto qorsheyaasha horumarineed oo ay ka faa’iideysanayaan bulshada oo dhan, isla markaana weheliyaan dhamaan bulshooyinka deggan agagaarka deegaamada waddadu marayso.

Guddoomiyaha Guddigu waxa uu carrab-baabay in deeqdan ugu dambaysay ee shirkadda Dahabshiil ku bixiyeen dhismaha waddada oo gaadhaysa US $ 40 000, aanay jirin cid la barbar-dhigo taariikhda, marka laga reebo xukuumada.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey iyo Suldaan Cabdiraxmaan Aw-Good oo munaasibada wareejinta deeqda shirkada Dahabshiil hadalo ka jeediyey ayaa ugu baaqay shirkada gaar loo leeyahay ee dalka ka shaqeysta inay ku deydaan waxtarka Dahabshiil, oo qayb ka noqdaan bixinta qaadhaanka dhismaha waddadan, kana codsaday madaxda shirkada Dahabshiil inay sii wadaan taageerida dhismaha waddadan ila adhamaadkeeda.

Suldaan Yuusuf waxa aad ugu duceeyey shirkadda isaga oo u rajeeyey in mulkiilayaasha iyo maamulka Shirkadaha Dahabshiil Group miisaanka xasanaadka Ilaahay ugu daro.

“Waxaan codsanaynaa inaad maskaxda nagu haysaan sidoo kale sannadka dambe,” ayuu yidhi Suldaan Good.

Guddiga dhismaha waddada Hargeysa iyo Burco ee shalay booqashada ku yimi xarunta shirkada Xawilaadaha lacagaha Dahabshiil waxa ay ka koobnaayeen Gudoomiyaha Guddiga Cawil Yuusuf Dhiif, Ingineer Cabdishakuur Axmed Guuleed, Cali Fayr Xuseen oo ay wehelinayeen Suldaan Yuusuf Muxumed xiiray iyo Suldaan Cabdiraxmaan Aw-Good.

Dhinaca kale, madaxda shirkada Dahabshiil ee kulankaa goobjooga ka ahaa ayuu ka mid ahaa madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Dahabshiil, Professor Xasan Xiis.

Dhamaan odeyaashii kulankaa joogay ayaa ugu duceeyey shirkada Dahabshiil waxtarka bulshadooda, kana codsaday inay sii laban-laabaan dedaalada marwalba ay la garab-taagan yihiin qorshayaasha bulshada Soomaaliyeed meel-kastoo ay joogaan isku caawinayaan.

Sidan oo kale, waxa shirkadda Dahabshiil hantiday maskaxda iyo Quluubta dadka Soomaalida xilligii bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo  shirkadaha Dahabshiil Grouo kaga farxiyeen goobo kala duwan oo waxbarasho iyo xarumaha lagu daryeelo agoomaha oo ay ka mid ahaayeen Ceerigaabo, Laas-Caanood, Baydhabo, Muqdisho, Burco, iwm.

Shirkadda Dahabshiil qaybteeda isu-diridda lacagaha waxay ka hawlgashaa in ka badan 126 dal oo caalamka ku kala yaal taas oo door laxaad leh ka qaadatay in bulshooyinka Afrika ee qurbe-joogta ah ku xidhnaadaan, oo taageeraan eheladooda ju sugan waddamadii ay u dhasheen.

20160716_11505520160716_115513 20160716_115216 20160716_115209-1-169x300 dahabshiil