Dawladda Somaliya Oo Amartay In La Xidho Dugsiga Nile Academy Oo Hargeysa Laan Ku Leh Oo Lala Xidhiidhiyay Inqilaabkii Turkiga Iyo Aamusnaanta Dawladda Somaliland

0
762

Dawladda dalka Somaliya ayaa amar ku bixisay in albaabada loo xidho oo la masaafuriyo hay’ado Turki ah oo lalaxidhiidhiyay inuu leeyahay Mr. Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay.

Dawladda Somaliya, waxa ay amartay in la joojiyo adeegyada uu bixiyo Nile Academy, waxaanay sidoo kale amartay inay shaqaalaha Nile Academy 7 cisho gudahood kaga baxaan dalka Somaliya.

Haddaba, akademiyadda waxbarashada ee Nile Academy, ayaa waxa ay dugsi waxbarasho ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Dawladda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino inay iyaduna dhinaceeda saari doonto masuuliyiinta Nile Academy, ayaanay noo suurtogelin, waxaanay dawladu ku jirtaa xaalad aamusnaan ah.

Sababta ay dawladda Somaliya u saarayso hay’adaha mucawinooyinka bixiya ee xidhiidhka la leh ninka loo haysto inqilaabka fashilmay ayaa ah, doorka horumarka siyasaadeed iyo dhaqaale ee uu Somaliya kaga jiro madaxweynaha Turkiga Mr. Erdogon.

Madaxweyne Erdogon-ka Turkiga ayaa sidoo kale taageero diblomaasiyadeed la garab istaaga Somaliya, waxaanu magaalada Muqdisho ka furtay safaaradda ugu weyn Afrika.

Inkastoo uu wada hadal u furay Somaliland iyo Somaliya,haddana marna dhex uma aha labada dal, waxaanu garabka saaraa Somaliya, isagoo iska indho tiraa doonista shacabka Somaliland ee qaddiyadooda, waxaanu Hargeysa ka furtay qunsuliyad ku jirta guri kiro ah, halka uu Muqdisho ka dhistay safaaradda Afrika ugu weyn.

Haddaba, inkastoo ay Somaliland soo saartay dhambaal ay shacabka Turkiga kula wadaagayso dareenka ay muujiyeen, haddana  dad badan ayaa arrinta Nile Academy u arka fursad diblomaasiyadeed oo ay dawladda Somaliland awoodeeda ku tusi karto Turkiga iyo dawladda Somaliyaba. Waxase, shacabka Somaliland oo la socda hadalka ka soo baxay dawladda Somaliya ay isha ku hayaan  in dawladda Somaliland fuliso dhawaaqa dawladda Somaliya oo ay saarto madaxda Nile Academy iyo in kale.