Ciidamda Liyuu Booliska Oo Cabudhin Iyo Jidh Dil U Gaystay Dadwaynaha Deegaanka Ina Nuur Muuse Ee Degmada Gaashaamo Fariimo Digniin Ahna U Direy Deegaano Kale

0
760

Wararka naga soo gaadhay degmada gaashaamo ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe ilaa xalay ay ciidamada Liyuu Boolisku ay bandow kusoo rogeen dadwaynaha deegaanka Ina Nuur Muuse oo kamida degmada gaashaamo.

Waxaana sidoo kale wararka nasoo gaadhayaa ay intaa ku darayaan in ciidamada liyuu boolisku ay jidh dil iyo handidaado xoogan u gaysteen shacabka deegaanka gaar ahaana raga iyaga oo ku qasbay inay sheegaan halka uu yaalo hub ay sheegeen inay haystaan.

Badiba raga deegaanka ku nool ayaa iyagu ka firdhaday markii ay soo galeen deegaanka ciidamada sida arxan darada ah ula dhaqma shacabka kililka shanaad ee Liyuu Booliska, waxaana ay ciidamadani dadka deegaanka ku wargaliyeen inaanay melena u dhaqaaqi Karin waxabana doonan Karin isla markaan deegaanku bandow yahay,waxanay xidheen isku socodkii deegaanada.

Dhanka kalena wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamadan Ina Iley ka amar qaataa ay deegaano kale oo katirsan degmada gaashaamo ku wargaliyeen kuna amreen  inay iska sii ururiyaan hubka ay haystaan hadii ay nabad rabaan, iyaga oo ugu hanjabay inay miri doonanaan hadii aanay sheegin halka uu yaalo hub ay sheegeen inay haystaan dadka deegaanku, waxaana deegaanadaasi kamid deegaanka Xal-xalis oo la sheegay inay gudoomiyaha deegaanka ku wargaliyeen inuu kasii ururiyo hubka dadka haysta.

Gabagabadii dhawaan ayay ahayd kadib markii ay dawlada fadaraalka ah ee Itoobiya saraakiil sar sare usoo dirtay deegaanka gaashaamo oo ay falal arxan darada ka gaysteen ciidanka liyuu boolisku, waxaanay saraakiishani ciidanka liyuu booliska ku amreen inay ka baxaan deegaanada ay ku sugan yihii,balse go’aankaaa ayaa u muuqdo mid aan midho dhal lahayn madaama ay wali ciidamada Liyuu Boolisku ay deegaanada degmada gaashaamo ka wadan falalka arxan darada ee ay u gaysanayaan shacabka deegaanada degmada gaashaamo.

Ilaa hadda lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee ay ciidamadan Ina Iley ka amar qaataa ay u samaynayaan falalkan aan la mahadin ee ay ka wadan deegaanada degmada gaashaamo.

Ramaas