Badhasaabka Togdheer Oo Booqasho Ugu Tagay Ciidanka Dab Damiska Hargeysa + Sawiro

0
769

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim (Qabyo tire) ayaa maanta booqasho ku tagay  xarunta guud ee Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa

Waxaana si diiran halkaa ugu soo dhaweeyay hogaanka sare ee Ciidanka Dabdemiska Caasimada oo ay ugu horeeyaaan Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Qaranka Gaashaanle Sarre Axmed Maxamed Xasan A.Sawaaxili,Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi,Suldaan Axmed Daahir iyo dhamaan Xubnaha iyo shaqaale weyanaha Ciidanka Dabdemiska Caasimada.

Ugu horayn waxaa badhasaabku kormeer ku soo maray dhamaan qaybaha kala duwan ee dhismaha xarunta Ciidanka Dab-damisku ay ka kooban tahay iyadoo halkaasina ay warbixino ka siiyeenMadaxda iyo hawlwadeenada ciidanka,sidoo waxaa iyaguna warbixino iyo waxqabadka ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa u hayaan bulshada iyaga oodhamaantood sheegay in Ciidanka Dab-demisku kaalin laxaad leh kaga jiro horumarka Caasimada,isla markaasna maalin kasta ciidanku u gurmado guryo ku yaala caasimada oo gubanaya ,Iyagoo isla markaana 24ka Saacadood heegan ugu jiraan badbaadinta muwaadiniinta.

Dhankiisa Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Ibraahim (Qabyo tire) ayaa waxa uu uga mahadnaqay Hogaanka Ciidanka Dab-demiskasoo dhawaynta diiran ee ay ku qaabileen waxaanuutilmaamay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay horumarka iyo waxqabadka ballaadhan ee Ciidanka Dabdemsika Caasimada Hargeysi ku talaabsaday,ee dhankasataba ah xaga Maamulka,Gaadiidka,Dhismaha bilicda wanaagsan iyo horumarka kale ee ciidanku sameeyeen,waxaana badhasaabku u soo jeediyay ciidanka Dabdemiska inay ka caawiyaan sidii Gobolka Togdheer loo soo gaadhsiin lahaa ciidanka Dabdemiska oo ka hortaga aafada Dabka.

Maaha markii ugu horaysay ee saraakiisha xukuumada ka socdaa ay ku yimaadaan booqasho xarunta ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa,balse waxaa jirtay in markastaba saraakiisha xukuumadu ay ka warhayaan ciidanka waxaana maalmihii u dambeeyay booqashooyin kala dambeeyay ku yimi xarunta ciidanka Wasiirada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Caafimaadka,Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Iyagoo dhamaantood ku Hambalyeeyey Hogaanka sare ee Ciidanka horumarka balaadhan ee ka muuqda Dhismaha Xarunta iyo Ciidanka Dab-damiska oo noqday Cadceed aan Sacab lagu qarin karin.

g a bo ab