Suldaan Daakir Oo Ka Hadlay Dad Ku Mudaharaaday Madaxweyne-xigeenka

0
909

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye, kana tirsan Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Mudaharaadkii Ceerigaabo ay koox dhallinyaro ahi kaga hortagtay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaanu wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ku tilmaamay inuu Madaxweyne ku xigeenku Gobolka Sanaag tago Doorashadiisi todoba sanno kadib.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ah Waftiga Xisbiga Waddani ee Gobolka Sanaag ku sugan ayaa sheegay in Xukuumaddani dalkii curiyaamisay, loona baahan yahay isbedel, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Mudaharaadkaas Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku saleeysnaa mid ay dadku ka muujiyeen saluug, maxa yeelay Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ahaa Madaxweyne qaran oo ay shacabku doorteen, oo todoba sanno oo uu xilka hayey aan Sanaag tagin, waxayna dadku yidhaahdeen maanu arag todob sanno, Madaxweyne-na wuu noo ahaa maanta oo uu cod doonanaya uu noo imanayaa, waxaana ayaan daro ah in isaga oo iska fadhiyey Hargeysa inuu maanta dadkaas oo uu ka maqnaa todoba sanno inuu u yimaado, waxaana wax aad loola yaabo oo looga qajilo ah inuu maanta yimaado una yimaado isagoo cod doonaya”

Suldaan Daakir mar uu eeddo uu soo jeediyey Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumaddani Somaliland wey curiyaamisay, waa Xukuumad ku sifoowday cadaalad daro, nin jeclaysi, eex, hanti boob, arinta saami qaybsigan waa mid ay Xukuumaddani ku doonayso in Doorashada lagu carqaladeeyo, si labada Doorasho loo kala qaado, mujtamaca aan ka soo jeedo waa mujtamac muwaadiniin ah, waa mujtamac reer Somaliland ah, waxaana doonaynaa in aanu la mid noqono umadda kale ee Somaliland oo aanu helno xaqayga, Xukuumaddan waanu ku hungawnay oo kamaanu helin laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu ka helno Xukuumadda dambe ee Waddani”

Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey sida Xisbiga Waddani loogu soo dhaweeyey Gobolka Sanaag ayaa yidhi “Aad ayaan ugu faraxsan ahay sida Xisbiga Waddani loogu soo dhaweeyey Gobolka Sanaag anigoo Weftiga Xisbiga ka mid ahaa, waana sadaal tilmaamaysa in dhawaan dalka is bedel ka dhici doono  insha allah, Madaxweyne cusub oo sinaan iyo cadaalad umadda ku maamula ayaa dhawaan iman doona,

Madaxweynahaasina waa Cabdiraxmaan Cirro”