“Siyaasadda Somaliland Iyo Dalka Ingiriiska Waxba Iska Bedeli Mayaan Inay Ka Sii Wanaagsanaato Mooye” Wasiir Cadaani.

0
811

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caadani ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibada, Xidhiidhka Somaliland ee Caalamka iyo Wadamada Jaarka, aragtida Xukuumadda ee Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska iyo Diiwaangelinta.  Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay muddo kordhinta la hadal hayo oo uu meesha ka saaray.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caadani oo Wargeyska Geeska Afrika u isagoo uru horayn ka hadlaya raysalwasaaraha cusub ee Ingiriiska wuxuu yidhi  “Madaxweynuhu hambalyo ayuu u diray Raysal wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Siyaasadii Somaliland iyo Ingiriiskana waxba iska bedeli mayaan inay sii wanaagsanaato mooye,oo xidhiidh aad u qoto dheer ayaa labada dal ka dhexeeya, marka Raysal wasaare is bedelaa waxba ka bedeli maayo xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska”

Wasiirka Warfaafinta ayaa mar aanu wax ka weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada Calaamka ku jawaabay “Waxaanu ku dedaalna sidii xidhiidhkeena Somaliland ee Wadamada Jaarka iyo kuwa Caalamka  aanu u wanaajin lahayn,haddii ay tahay Jabuuti iyo haddii ay tahay Itoobiya iyo haddii ay tahay wadamada xidhiidh wanaagsan ayaa inaga dhexeeya, sidii ay sheegeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadduba Siyaasada Somaliland waa mid ku dheehan in xidhiidh dhinaca kasta ah in lala yeesho mandqadan aynu la nool nahay, Wadamada Adduunkan xidhiidhkaas oo kale in la yeelano, mar walbana Siyaasada Somaliland waa mid kobcinaysa inay Caalamka aynu la yeelano xidhiidh wanaagsan”.

Wasiirka Warfaafinta mar aanu waxa ka in Madaxweyne Siilaanyo doonayo muddo kordhin labaad, wuxuu yidhi  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wey ka go’an tahay in Doorasho la qabto, Somaliland wuu u sheegay, Xisbiga Kulmiyena wey ka go’an tahay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdina wuu sheegay markaas ku hamiyi mayno kordhis iyo wax caynkaas ah, waxa hadda lagu hawlan yahay Diiwaangelinta dalka ka socota, gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo inoo hadhay, waxa kale oo aanu ku heelannahay wada noolanshaha iyo nabadaynta Beelaha, waxaanu nabada ka sameeynay oo aanu Madaxweynaha tusnay Beesha Reer Jibriil  iyo reer Idarays, waxaanu ka shaqeeynaynaa arinta Dharkeen-geenyo ee Hararrsame iyo Qayaad, waxaanu ka shaqeeynaynaa arinta Taleex ee Samakaab Cali iyo Faarax Cali, marka waxaanu ku dedaalnaynaa oo aanu wathtigayaga galinay sidii Beelahaas loo walaalayn lahaa, oo Diiwaangelintuna dalka oo dhan uga dhici lahayd, waana markii ugu horeeysay ee ay Diiwaangelintu ka dhacayso Taleex,Xudun Jiidali iyo Deegaano badan kale oo badan, waana guul Somaliland u soo hoyotay, waxaana ku dedaalaynaa inay Somaliland oo dhan Diiwaangelintu uga wada qabsoomi lahayd., si Doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ugu dhici lahayd.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddii aan anagu nahay Xukuumaddii wax walba oo nagaga xidhnaa Doorashada waa naga diyaar, haddii ay lacag tahay iyo haddii ay wax kaleba tahay, laakiin ta Barlamaanka ku xidhan ayaa wali dhiman markaas in Guddoomiyaha Barlamaanku tiisa dhameeyo oo uu ka hawlgalo ayaa wanaagsan, wax muddo kordhin la yidhaahdo oo Xukuumaddu ku hawlan tahay ma jirto”.