Shirkadda Dahabshiil oo ugu Baaqday Ra’iisal-Wasaaraha cusub ee Ingiriiska inay Taageerto Afrika

0
825

Shirkadda hormuudka ka ah isu-gudbinta lacagaha ee Dahabshiil, ayaa ugu baaqday Ra’iisal-wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Mrs. Teresa May inay badhi-taarto maalgalinta taageeraysa dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Tallaabadii dhawaan dalka Ingiriisku kaga baxay ururka Midowga Yurub kadib aftidii laga qaaday shacabkiisa, ayaa welwel ku abuurtay shirkado iyo hay’ado Afrikaan ah oo ka shaqaysta qaaradda Yurub in ganacsiyadooda waxyeelo ka soo gaadho ka-bixidda Ingiriisku kaga hayaamay Yurub inteeda kale.

Theresa May | Raysal Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska
Theresa May | Raysal Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska

Haseyeeshee, Maamulaha guud ee shirkadaha Group Mr. Cabdirshiid Maxamed Siciid oo Khamiistii ay warbixin ka diyaarisay warbaahinta The Star ee Kenya ayaa sheegay in maalgashadayaasha Afrikaanka ahi ay rajo ka qabaan Ra’iisal-wasaare Teresa May, oo uu isaguna ugu baaqay inay wadashaqayn dhaw la yeelato dawladaha iyo kambaniyada Afrikaanka ah si loo horumariyo qaaradda.

“Waa arrin muhiim ah in Ingiriisku sii wado wadashaqaynta dhaw ee uu la leeyahay Afrika, inkastoo ay jiraan isbeddelada hadda yimi kadib aftidii shacabka Britain iyo xil-ka-degista Ra’iisal-wasaare Cameron. Annagu waxaannu diyaar u nahay in aannu si dhaw ula shaqayno hoggaanka cusub ee Ingiriiska si ay u sii jirto danta iyo faa’iidada malaayiinka Afrikaanka ah ee noloshoodu ku tiirsantahay hay’ado ama shirakado ganacsi oo saldhiggoodu yahay boqortooyada UK,” ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale.

Waxa kaloo uu Cabdirashiid tilmaamay in aanay Ra’iisal-wasaare May ku cusbayn qaaradda Afrika, balse ay hore wadashaqayn wanaagsan ula lahayd qurba-joogga Afrikaanka ah waqtigii ay haysay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha, sidaas awgeedna buu yidhi, “Waxa la rajaynayaa inay aqoontaa hore ku dhisi doonto xidhiidho wadashaqayneed oo u horseeda Afrika iyo dadkeeda horumar.”

Maamulaha Dahabshiil waxa uu sheegay in adeegga isu-gudbinta lacaguhu uu si wayn u caawiyo dadka ku nool qaaradda Afrika, sidaasi darteedna waxa uu u soo jeediyey Ra’iisal-Wasaaraha cusub ee Ingiriiska inay xidhiidh xooggan la yeelato bulshada Soomaalida ee deggan waddanka UK, si ay u dhiirrigeliso isu-socodka lacagaha, taas oo wax badan ka taageertay dib-u-dhiska Soomaalida oo ay burburiyeen dagaallo sokeeye in ka badan muddo labaatan sannadood ah. Waxaannu ku ammaanay Ra’iisal-wasaarihii xilka ka degay David Cameron sidii uu u dhiirrigeliyey xidhiidh dhaw oo uu la yeeshay dadka qurba-joogga ah iyo dhulalka Soomaalida, taas oo kor u qaaday isu-gudbinta iyo ka-faa’iidaysiga lacagaha ay dib ugu taageerayaan dhulkooda hooyo.

“Waxaannu aamminsanahay in Ra’iisal-wasaaraha cusub ay dhisi doonto xidhiidhkan, siina xoojin doonto qorshahan,” ayuu yidhi.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan lacagaha la isku diro (xawaaladda) ee uga yimaada eheladooda ku nool dalalka dibadda, iyadoo weliba lacagaha mucaawimada ahna loo sii mariyo shirkadaha ka shaqeeya isu-gudbinta lacagaha ee fadhigoodu yahay Kenya.

Sidoo kale, waxa lacagtan si wayn uga faa’iidaysta dalka Kenya oo sida ay tilmaamayso warbixinta Bangiga Dhexe ee dalkaasi oo saaray bishii May ay sheegayso in qurba-joogga Kenya dib ugu direen dalkooda lacag dhan 14.8 bilyan ilaa $143.5 (Sh14.5 billion) bishii April oo keliya, taas oo ah koradh boqolkiiba 2.3%.