Madaxweyne Siilaanyo Oo Bed-qaba Xaaladdana Si Dhow Ula Socda Markii Inqilaab Ka Dhacay Turkiga Xalay

0
760

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo booqasho nasasho ah  ku tagay dalka Turkiga, ayaa nabad-qaba ka dib markii caawa milatariga dalkaasi ay dhigeen afgambi ka dhan ah dawladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Milatariga wadanka Turkiga ayaa warbixin laga akhriyay TV-ga dawladda, waxay ka sheegeen inay dalka oo dhan ka sameeyeen afgambi ay tallada kula wareegayaan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ilo dawladda ka tirsani Gudgudenews u sheegeen inuu madaxweynuhu gaadhay dalka Turkiga muddo ka hor intii aanu qalalaasaha afgambigu ka bilaabmin Turkiga isla markaana ay joogaan magaallo masaafo ahaan ka durugsan caasimadda Ankara oo la yidhaahdo Mursa.

Ilahaasi waxay intaas ku dareen in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu si dhow ula socdo dhacdooyinka siyaasadeed ee ka jira wadanka Turkiga. Madaxweynaha waxa booqashadiisan ku wehliya Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo Xoghayihiisa gaarka ah Cali Maxamed Cali.