Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Muddo Kordhin Kale Oo La Sameeyo

0
832

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka digay halista Somaliland ka soo waajihi karta haddii la sameeyo muddo kordhin madaxtooyo, iyadoo beryahan la hadal hayay arrintan.

Dr. Maxamed oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay shakhsiyan inuu aaminsanyahay inaanay dhici doonin muddo kordhin dambe, haddiibase ay dhacdo wuxuu sheegay inay Somalialnd gelin doonto go’doon siyaasadeed oo dibadda ah.

“Anigu ma filayo inay dhici doonto muddo kordhin kale, laakiin haddii ay dhacdo waxay dhaawac siyasadeed u keeni kartaa Somaliland.” ayuu yidhi Dr. Maxamed oo uu Geeska Afrika weydiiyay natiijada ka dhalan karta muddo kordhin labaad oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo ka hadlaya nooca dhaawac ee Somalialnd kaga iman karta beesha caalamka uu yidhi “Dhinaca beesha caalamak waxa loo qaadanayaa in barnaamijkii dimuqraadiyadaynta iyo qorshihii doorashooyinka Somalialnd fashilmeen. Taasi saamayn ayay ku yeelan kartaa wada shaqaynta iyo fikirkii dalka laga haystay.”

Dr. Maxamed, oo farriin u diraya guddiga doorashooyinka qaranka ayaa yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa guddiga doorashada qaranka inay guntida dhiisha iskaga dhigaan sidii ay doorashadu wakhtigeeda ugu dhici lahayd.”

Isagoo la hadlaya xisbiyada qaranka wuxuu yidhi “Asxaabta qaranka waxaan u rajaynayaa inaanay wakhtiga iskaga lumin dood aan wakhti iyo sharci loo hayn maadaama oo uu dalku galay xilligii doorashada. Waa inay u diyaar garoobaan doorashada, waayo mudnaanta waxa hadda leh doorashada oo la qabto.”