Mashruuca Maalgashiga DP World Wuxu Noqon Doona Miday Ka Abuurmaan Shaqo Abuur tiro Badan, Suuqa Ugu Weyn Ee Itoobiya Wax Kala soo Degtaana Wuxu Noqon Doona Marsada Berbera.

0
645

Mashruuca maalgashiga Imaraadku ku samaynaayo Dekeda Magaalada Berbera, oo fulinayso Sherkada Caalamiga ah ee DP World, wuxuu noqon doona haddii uu siduu yahay u fulo miday ka abuurmaan shaqooyin tiro badan oo wax weyn ka badali doono nolosha shacbiga Somaliland, kuwaas oo hadda ay daashatay dakhli yaraan sabab u ah shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Mashuurcan oo wajigiisa hore ay Sherkada DP World galinayso in ka badan 400, oo Milyan oo dolar, shaqo abuurka ka imanaya maha mid ku kooban Somaliland oo kaliya, balse waxay xudun u noqonaysa Dalka Itoobiya oo ah dal xidhan oo aan lahayn wax badd ah, waxaana furmi doona suuqyo tiro badan oo Itoobiya ugu horeyso kuwaas oo ku soo xidhmi doona dalka Somaliland xuduna ay u noqon doonto Dekeda Berbbera.

Dawladda Itoobiya ayaa iyadu hore u cadaysay mawqifkeeda ku aadan Maalgashiga Berbera, waxayna sheegeen inay siweyn u danaynayaan maalgashiga Sherkada DP World ku samaynayso Somaliland.

Itoobiya oo inta badan dhammaan badeecadaha ganacsigooda dibadu soo mari jireen  dekedda Jabuuti, waxay wakhtigan xaddi kooban oo badeecadaha cuntooyinka u badan kala soo degaan dekedda Berbera maadaama aanay Dekadu wali casri ahayn, waxaana  la sheegay inay kaalin ka qaateen sidii wadanka Imaaraadka Carabtu u maal-gashan lahaa Berbera oo masaafo gaadhaysa 937 KM u jirta Caasimadooda Addis Ababa. Saraakiil xukuumadda Itoobiya ka socda oo booqasho ku tegay dalka Imaaraadka Carabta bishii October, sannadkii hore ayaa xaqiijiyay  inay u gudbiyeen Amiirka Dubai, cabashadooda la xidhiidha maalgashi shirkada DP World ku doonayso inay maalgashi ku samayso dekedda Asmara, oo masaafo ka yar u jirta Berbera, isla markaana ka codsadeen inay joojiyaan maalgashi kastoo ay ku sameeyaan dalka Eritrea, oo colaad weyn u dhexeyso. “Waan ku qanacsan nahay in Imaaraadka carabtu maalgashi ku sameeyo Somaliland, intuu ku samayn lahaa Eritrea,” Ayuu sheegay Mr. Werqneh Gebeyehu, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya oo u waramay wakaaladda wararka ee madote.com, waxa uu yidhi “Ma jeclin inaan aragno wax maalgelin ah oo lagu sameeyo dalka Eritrea, isla markaana, waanu soo dhoweynaynaa heshiiska DP World la saxeexatay Somaliland.” Mulugeta Assefa, Madaxweynaha ururka rarista iyo dejinta, ayaa sidoo kale sheegay, “Dhab ahaan, waan u baahan nahay dekedo kale aan ahayn kuwa Eritrea.” Saddex bilood horteed, xukuumadda Eritrea oo aqbashay dalab wadamadda reer galbeedku kaga codsadeen in dekedeeda ka soo dejiyaan raashin lagu quudiyo labaatan milyan qof oo cunto la’aani ku hayso Itoobiya, ayey gebi ahaanba gaashaaanka ku dhufatay xukuumadda Itoobiya in raashinkaasi loo soo mariyo. Dhinaca kale, mowqifka Wasiirka Gaadiidka Itoobiya iska taagay taageerida heshiiska casriyeynta dekedda Berbera ee dhex-maray wadamadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta ayaa imanaya wakhti todobaadkii hore Maareeyaha wakaalada dekedaha Itoobiya, si weyn u soo dhoweeyey saxeexida heshiiskan.

Waxa haddaba halkaas ka cad, in mashruucan ay siweyn u danaynayaan waddamada Afrika iyo kuwa jaarka ahiba, halka ay buuq aan loo baahnayn ku fureen dadkii waxa ugu badan ka faa’iidi laha, in kasta oo shacbigu ka sugaayo Xukuumadda inay siyaasad cad ka yeelato wax kasta oo lagu carqaladaynaayo heshiiska Marsada Berbera u horseedi doona inay noqoto mid isku xidha Afrika iyo caalamkaba.