Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyay In Uu Murrashax Madaxweyne Yahay Sannadkan.

0
687

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlaayey beerta xoriyada ee magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu  si dadban u sheegay in uu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay  in dadweynaha rer Ceerigaabo ay laba jeer oo uu  hore uu musharax u ahaa xisbiga UCID  aanay cod siin balse uu ku rajo weyn yahay in ay sanadkan siiyaan waxaana uu yidhi

“Xisbiyada waxaan leeyahay joojiya qab qabta iyo fardo  iigu soo baxa waa la isku jooga maalinta foodka  ayaa la kala bixi doona waa la shubi jiray ee shalaad baratey waanigii  hore u yidhi .

Imasa ayaad reer Ceerigaabooy ii soo baxdeen oo fardo aad igu soo dhaweyseen   , ma cod baad i siisen ,  imaydaan siin reer Ceerigaabooy  , Doorkan lakiin waan idinka fadhiyaa oo odeyga mar saddexaad ha radina oo in aad xishoon doontan baan filayaa ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Si kastaba ha ahatee hadalkan maanta ka qarxay ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli  uu muran xoogan  uu ka dhex taagan yahay xisbiga UCID gaara ahaa cidii musharax madaxweyne u noqon laheyd.