“Anigu Xisbi Kaliya Ayaan Ka Baxay Oo Waa KULMIYE, UDUB-na Waa Laygu Dul Burburiyay, UCID-na Kama Baxayo Ilaa….” Muj. Cali Guray.

0
801

Gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID Muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga kaliya ee hantey quluubta shacbiga reer Sanaag uu yahay xisbiga Waddani isla markaasna uu ku hanbalyeynaayo arintaasi

“Weynu arkeynay oo xisbiga ka hilaacay  gobalka Sanaag waa xisbiga Waddani   waliba meelo aan la fileyn oo la filaayey in Kulmiye gacanta sare ku leeyahay  oo fariinta xisbiga  Kulmiye u soo direen ay tahay  ha  na heybsan ” ayuu yidhi muj.Cali Guray

Sidoo kale Muj.Cali Guray  waxaa uu ka hadley in uu rabo in uu ku biiro xibsigii uu hore uga mid ahaan jiray ee Kulmiye