Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Todobaadkan Safar Ugu Baxaya Dalka Itoobiya Iyo Arrimaha Ay Kala Soo Hadlayaan

0
775

Xukuumadda Siilaanyo Oo Dhaafi La’ Maamulka Soomaalidda Itoobiya, Halka Ay Xukuumadihii Daahir Riyaale Iyo Marxuum Cigaal Xaalkoodu Ahaa Xidhiidhka Xukuumadda Dhexe Ee Faderaalka Dalka Itoobiya

Wafti Wasiiro ka kooban oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Todobaadkan la filayaa inay u baqoolaan Magaaladda Jig-jigga oo ah Xarunta Ismaamulka Soomaalida Dalka Itoobiya,iyagoo sida la sheegay Masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Itoobiya kala soo hadli doona Arimo door ah oo Xagga Arimaha Amniga U badan.
Warar Hoose oo Wargeyska Foore ka helay Safarka Wasiiraddani u baxaya Dalka Itoobiya ayaa tibaaxay in ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani”. War bixintan ayaa lagu sheegay inay Wasiiraddani baxayaan Labada Cisho ee fooda inagu soo haya waxaanay si toos ah ugu hagaagayaan oo ay ku degayaan Xarunta Dawlad Deegaanka Itoobiya ee Jig-Jigga Iyagoo kulamo Arimo badan lagu gurfayn doona la yeelan Doona Masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Soomaalidda Itoobiya.
Majiro Warar aanu ka helnay Masuuliyiintani oo noo xaqiijiyay Bixitaankooda balse sida illo-Wareedyo kale noosoo tabiyeen,Waxay Waftigani kala soo hadli Doonaan Dawlad Deegaanka Itoobiyo Arimo ay ugu horayso Farogalinta Ciidamada Liyuu booliiska Itoobiya sida joogtada ah uga soo gudbaan Xuduuda Somaliland ee Dhinaca Gobolka Togdheer,halkaasi oo dhawr jeer Laga soo sheegay inay si badheedha ah iyagoo gaadiid Dagaal Watay ay gudaha Somaliland u soo galeen in ka badan 40Km,arintaasi oo cadho ku abuurtay Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaamo Xuduuda Somaliland ku teedsan oo ka tirsan Gobolka Togdheer. Waxa ay Wasiiraddani sidoo kale Dawlad Deegaanka Itoobiya Arimaha ay Kala soo hadlayaan ka mid ah Wariyihii Horn Cable Tv Uga Soo Warami jiray Gobolka Gabiley Mukhtar Nuux Ibraahim Oo Dhawaan ay Ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya ka Qafaasheen Magaaladda Wajaale islamarkaana Ku xidhan Magaaladda Jig Jigga.
Inkasta oo aanu isku daynay inaanu Masuuliyiintani Telefan ku helno si aanu wax uga waydiino safarkani way noo suurtagali wayday,kadib markii ay naga qaban waayeen Telefankooda Gacanta.
Xaaladda Nabad gelyo iyo wada noolaansho ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa laga baqo qabaa in uu dhaawac ka soo gaadho falalka layaabka leh ee ay dhawaanahan ku kacayso xukuumadda Kililka Shanaad ee ka tirsan Federaalka Itoobiya taasi oo ciidamadeeda Liyuu Booliska la yidhaa dhibaato weyn ka gaysanayaan deegaamada ku teedsan dhulka ay Somaliland xadku ka dhaxeeyo gaar ahaan gudaha oo ay ku nool yihiin dad dhalasho ahaan la hayb ah dadka ku nool Somaliland taasoo keentay in xataa maalmihii ugu dambeeyey si weyn loo hadal hayo in ciidamadaasi ka soo tallaabeen tiraba dhawr jeer dhinaca xuduudka gaar ahaan meelaha ku beegan Gobolka Togdheer oo ay ka gaysteen dhibaato dhinaca amniga ah iyada oo dad badan oo ka soo qaxat dhibta Liyuu Boolisku ku sugan yihiin gudaha Magaalooyinka Somaliland.