Madaxtooyada Oo La Sheegay In Ay Dabada Ka Riixayso Qorshe Muddo Kordhin Ah Iyo Hoggaanka Xisbigeeda KULMIYE Oo Daymo Cadho Leh Ku Eegaya

0
931

Baaqii Xildhibaanada Muxaafidka Ahi La Shir Yimaaddeen Oo Ahaa Qorshe Hordhac Ah Oo Madaxtooyadu Doonayso In Ay Ra’yul Caamka Ku Tusto Sida Ay Ugu Heellan Tahay Muddo Kordhin Labaad Oo Ay Kusii Fadhido Kuraasta + Dareenka Kornaylada KULMIYE

Iyada oo Muddoba la hadal hayay Muddo Kordhin Xukuumaddu doonayso in ay ku sii joogto qasriga Madaxtooyada Somaliland kadib dib u dhac la sheegay in laga filan karo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ayay soo baxayaan xogo hoose oo tibaaxaya in Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Madaxtooyadu aanay isku aragti ka ahayn doorashada oo wakhtigeeda dib uga dhacda, gaar ahaan Doorashada Madaxtooyada.
Xogo Hoose oo ilo-wareedyo Madax Bannaani Wargeyska FOORE la wadaageen ayaa tibaaxaya in maalmihii ugu dambeeyey ay si weyn isu soo tarayso doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo waliba tii Golaha Wakiilada oo dib uga dhaca muddadii Maxkamadda Sare u cayintay, Madaxweynuhuna saxeexa ku soo saaray oo ku beegnaa 28-ka Bisha March ee sannadka 2017. Shakigan ayaa imanaya kadib markii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay xisbiyada qaranka oo uu ku war geliyey in ay ka soo talo bixiyaan qaabka saami qaybsiga Golaha Wakiilada taasoo keenaysa jiitan ku yimaad doorashadaasi Golaha Wakiilada oo markii hore la qoondeeyey in ay isa saar u dhacaan iyada iyo tan Madaxtooyadu.
Qorshaha dib u dhac ku iman kara Doorashada Golaha Wakiilada ayaa la sheegay in Madaxtooyadu uga faa’iidaysanayso in ay sidoo kale dib ugu riixdo doorashada Madaxtooyada ee la filayay in ay mataano la noqoto tan Golaha Wakiilada iyada oo Madaxtooyadu durba bilawday in ay dhaqdhaqaajiso qaar ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka Xagjirka ah ee sida weyn u taageersan kuwaasi oo toddobaadkan Warbaahinta horteeda si cad ula soo hor-joogsaday farriimo loo qaatay in ay ahaayeen qorshe hor dhac ah oo Madaxtooyadu doonayso in ay u sii qaddinto ra’yul caamka kuwaasi oo ahaa in xukuumadda muddo kordhin Laba sano ah loo sameeyo.
Xogaha Wargeyska FOORE helay ayaa intaasi ku daraya in qorshayaashaasi Madaxtooyada ka bilaabmay ay si weyn uga gilgisheen Hogaanka Xisbul Muxaafidka KULMIYE oo isugu hammuun culus u qaba doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo ay ka calaf qaadaan, Halgan Muddo dheer qaatay kadib iyo Hogaanka xisbigaasi oo aan xilal ka soo qaban dawladda xisbigooda intii ay jirtay, sidoo kalena aan ku soo dhawaan xilal qaran oo kale xukuumadihii kala dambeeyey.
Ma jiraan xogo rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Hogaanka KULMIYE balse waxa cad sida aanay marnaba qorshe doorashadu dib ugu dhacdo aanay ula dhacsanayn iyaga oo il-qoodha ka eegaya halka ay ku dambeeyaan qorshayaashan cusub ee Madaxtooyadu bannaanka keentay.
Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaridka, Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahanka dalka ayaa muddoba ku baaqayay in ay xukuumaddu dardar geliso doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo laga waantoobo cimri dherer Madaxtooyadu mar saddexaad ku sii fadhido xilka qaranka iyada oo uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu Mucaaridka ahaa si weyn uga soo horjeeday muddo kordhimihii loo samayn jiray xukuumaddii uu talada dalka kala wareegey ee uu Daahir Rayaale Gadh-wadeenka ka ahaa.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, lama oga halka ay ku dambayn doonaan doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada iyada oo uu wali qabyo yahay xeerkii doorashada Wakiiladu gobolada qaarna saluug laga qabo dhinaca saamiga taasi oo dib u ridi karta doorasho wakhtiogeeda ku dhacda.