“Garxajis wuu ka ballaadhan yahay Wax makhsin qaado, Shirkaasna Waxaa Uu Ahaa Mid Lagu Abaabulayo Collaad Aan Innaga Fogayn, oo Uu Waday [Xisbiga] WADDANI”-Suldaanka Guud Ee Somaliland

0
750

Suldaanka Guud Ee Beellaha SOmaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Shirka Masallaha Hargeysa Lagu Qabtay

” dadka meesha isugu yimi qaar Xamar bay ka yimaadeen qaarna gudahay ku jiraan laakiin markaad isu geyso dhammaantood xisbiga WADDANI bay ka tirsan yihiin”

“Horta anigu waxaan ahay suldaankii guud ee beellaha Somaliland, anigoo title-kaas [xilkaas] haysta ku soo noqon maayo suldaan garxajis, waayo anigu reer walba iyo beel kasta oo Somaliland ahba suldaan baan u ahay oo arrinkooda waan galaa”. sidaa ayuu yidhi Suldaan MAxamed, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlay shirka Hargeysa lagu qabtay “Sida la iclaamiyey shirkan lagu qabtay Hargeysa ee la yidhi suldaan Maxamed Baa noogu dhawaaqay, waxba kama jiraan, wax allaale iyo wax aan ka ogaa iyo wax aan kala socdaana ma jirto. Garxajis wuu ka ballaadhan yahay in makhsin qaado, laakiin shirkaasi wuxuu ahaa mid uu [Xisbiga] WADDANI Wado, sida aan filayana lagu abaabulayo colaad aan innaga fogayn”.

“Anigu Shirkaasi markii uu socday Boorama ayaan joogayoo reer Boorama ayaan la soo iidayay, markaan magaallada Soo galayna waan maqlay warka….dadka meesha isugu yimi ee la ii sheegayaana qaar Xamar bay ka yimaadeen qaarna gudahay ku jiraan laakiin waxa oo dhan markaad isu geyso dhammaantood xisbiga WADDANI bay ka tirsan yihiin, arrintaasna saaka ninka donaya in uu colaad cusub abaabulo waxaanu leennahay [dhibaatada colaadu leedahay] intii hore noo soo gaadhay baa nagaga filan, ninka doonaya in uu colaad cusub abaabulana waxaanu leennahay kaa yeelli mayno