Wasiir Waran Cade Iyo Maayarka Hargeysa Oo Wada Jir Caasimada Uga Bilaabey Bar Bilowga Qorshe Cusub Oo Lagu Dhireynaayo

0
768

Wasiirka arimaha gudaha  Somaliland Cali Maxamed Waran Cade iyo maayarka Caasimada Hargeysa ayaa waxaa ay magaalada Hargeysa ay ka bilaabeen Bar bilowga qorshe cusub oo lagu dhireynaayo Magaalada Hargeysa

Mayarka  iyo wasiirka ayaa waxaa ay s wada jir ah  ay dhirtii ugu horeysay ka beeren   wadada  koowaad ee magaalada Hargeysa  gaar ahaan ka soo hor jeedka Cisbitalka Guud .

Ugu horeyn  mayaarka magaalada Hargeysa oo halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu sheegay  in arintani ay tahay bar bilowga qorshe cusub oo lagu dhireyn doono Caasimda Hargeysa  isla markaana qof kasta oo meherad lahi uu geed beerto si ay arintani u hir gasho

Dhinaca kale waxaa isna halkasi ka hadley wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Wara Cade  waxaana uu sheegay in dhirtaas maanta la beeray oo ay tiradoodu tahay 100 geed uu ugu taburacay Caasimada si kor loogu qaado bilcada caasimada Hargeysa  isla markaana uu ku caawin doono magaaloyinka kale ee gobalada Somaliland .

ilays