Ma Runbaa Inay Madaxtooyada Iyo Maareeye Cali Xoor-Xoor kusii Kala Fogaanayaan Heshiiska Dekeda Berbera

0
841

Madaxtooyada Somaliland iyo ninka awooda badan ee ah mareeyaha dekeda berbera eng Cali Xoor-xoor ayay wararka soo baxayaa ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo kala fogaansho aragtiyeeed oo salka ku haysa heshiiska dekeda berbera.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah hadana warar uu geeska Africa helay ayaa sheegaya inuu jiro shaki ay madaxtooyadu ka qabto Eng Cali Xoor-xoor oo ah inuu qayb ka yahay xoogaga kasoo horjeeda hirgalinta heshiiska dekeda berbera.

Wararka aya waxay intaa ku darayaan in madaxtooyadu sedexdii caano maal ee u danbeeyey ay weyday meel ay xidhiidh kala samayso maareeye Xoor-xoor  oo la sheegay inuu xidhay telefoonadiisii gacanta taasi oo sii xoojiyay shakigii ay madaxtooyadu qabtay.

Masuuliyiin reer saaxil ah oo ka tirsan xukumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa dadaal ugu jira sidii ay madaxtooyadu ugu qancin lahaayeen in xilka laga qaado Eng Cali Xoor-xoor laakiin talaabadan aya siyaasiyan ah mid ku adag madaxtooyada marka loo eego awooda Cali Xoor-xoor uu ku leeyhaya bulshada saaxil oo dhawrkii bilood ee u danbeeyey aad usii korodhay iyo waliba hirgalinta heshiiska dekeda berbera iyo shirkada DP World.

Cali Xoor Xoor ayaa la sheegayaa inaanay wali udub dhaxaadka madaxtooyadu ku qancin in xilka laga qaado,waxase ay taasi badalkeeda ku taliyaan in la isku dayo sidii maareeyahan loo qancin lahaa madaama oo madaxtooyadu ku jirto xilli xasaasi ah.

Cali Xoor-xoor oo inta badan iskaga dhex goosha hargeysa iyo berbera ayaa ah nin kaliya ee sida aadka ah u fahasan heshiiska Dp World isla markaana haya xogta rasmiga ah ee dekeda berbera, waxaana inta la ogyahay uu saxaafada ka sheegay inuu taageersan yahay heshiiska dekeda berbera oo uu qayb ka yahay, inkaste oo bartii uu saxeexi lahaa uu saxeexay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ay isku gobol kasoo jeedaa,.

Afhayeenka madaxtooyada Mr Shamax oo geesk Africa la xidhiidhay si uu wararkan wax uga waydiino aya waxa uu si kooban u sheegay inaanay jirin wax shido ah oo ka dhax jira madaxtooyada iyo maareeyaha dekeda berbera.

“Wax isku dhaca ma ogi anigu mana maqal maan arag”Sidaas ayuu yidhi Mr Shamax.

Maareeyee Cali Xoor Xoor oo uuu geeska Africa isna isku dayay inuu la xidhiidho ayaanay noo suurto galin.