Xaalada Guud Ee Deegaanadii Xadka Somaliland Ee Gobolka Togdheer Ee Ay Ciiidamada Liyuu Booliska Soo Galeen Iyo Ciidamada Qaranka Oo Ku Daba Jira CIidaankii Liyuu Booliska Ee Gudaha Soo Galay

0
846

Wararka aan ka helayno magaalada Burco ayaa sheegay in xaalada guud ee deegaanadii gobolka togdheer ee ay dhawaan ciidamada liyuu boolisku soo galeen ay wakhti xaadirkan tahay mid dagan kadib markii ay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer ay gadheen deegaanadaasi.

Waxaana markii ay ciidankan iyo gudoomiye ku xigeenkuba ay  gaadheen deegaanadaas ay xogwaraysiyo la yeesheen shacabka deegaanada iyaga oo ka waraystay siday magaalada usoo galeen iyo inay wax hanjbaado iyo handidaad ah u gaysteen shacabka deegaanada waxaanay ay dadwaynaha deegaanadaasi waftigan uga warbixiyeen sidii ay usoo galeen gudaha deegaanada iyaga oo dadwaynahani sidoo kale sheegay inay waydiiyeen askari ka tirsan ciidankooda oo soo goostay waa siday hadalkooda u dhigeene.

Dhanka kalena cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay iyagu ku daba jira ciidamadii liyuu booliska ee gudaha usoo galay deegaanada gobolka togdheer,waxaana ay ciidamada qaranku shacabka deeganadaas u sheegeen inay talaaboka qaadi doonaan.

Ugu danbayntii xaalada deegaanada ayaa wakhti xaadirkan ah mid aaad u dagan, waxaana amaanak deegaanada la waareegay cidamada qaranka Somaliland.