Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mudane Xirsi Oo ka Hadlay shir uu la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Sucuudiga

0
885

Ex Wasiir xirsi oo Safar ugu maqan dalka Sucuudiga gar ahaan Jeddah ayaa qoraal uu ku baahiyey goordhawayd Bartiisa Facebook waxa uu ku bilabay sidan
“Waan uga mahadcelinayaa madax-buurta reer Somaliland ee Jeddah oo aanu kulan qiimo badan qado ku wadaagnay

Waxay ahayd maanta kadib markii kulan qado sharaf ah ay nagu maamuseen jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga Carabiga iyagoo nagu qaabilay qalbi furan iyo dareen dalnimo oo muujinaya gacaltooyo iyo xidhiidh umadnimo.
Haddaba, Intii qado sharaftan socotay ayey odayaasha milgaha badan ee ay kamid yihiin
Xaaji Ibraahim Shoodhe

Xaaji Cabdalah Cumara
Ambassador Cal Tuuhe
Min. Mohamoud Hersi Bayl
Aadan Laalays
Maxamde Cabdi
Maxamde aw Daahir
Ismaciil Cabd bacda
Cabdiraxmaan Laascanood
Cusmaanc ali(suldaanka) iyo
Axmed waxaas nagu soo dhaweeyeen dalka Sucuudi Carabiya gaar ahaan magaalada Jeddah
Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay kulanka nagala soo qayb galeen odayaal qiimo badan oo masaafo badan kulankan uga yimi kuwaas oo ay kamid yihiin Xaaji Aada Baradho iyo
Xaaji Cabdirashiid KAMASARO
Dhamaantood waan uga mahadcelinayaa sida sharafta badan ee aanu maalintan wanaagsan u wada qaadanay.
Wa Bilaahi Tawfiiq”