Wasiir Caddaani Oo Boholyow Siyaasadeed Ku Milicsaday Halkii Uu Sallaanka Xukuumadda Ka soo Qabsaday Iyo Mas’uulkii U Horreeyey Ee Uu La Shaqeeyo

0
791

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa ka hadlay xidhiidh saaxiibtinimo oo uu la lahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo haatan dibadda ka jooga tareenka siyaasadeed ee uu naakhuudaha ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiir Caddaani hore muddo dheer ula soo shaqeeyey Ex. Wasiir Samaale, ayaa si kedis ah ugula kulmay miidaan ku yaalla magaalada Gabiley oo maalintii Ciidaul-fidriga la iskugu soo baxay, waxana uu tilmaamay inuu ahaa saaxiib maankiisa ku dheer oo uu maqnaanshihiisa si weyn u tebey,“Wasiir Samaale waa nin aanu isku xisbi ahayn oo xisbiyahan ahaa markaan wasiiru-dawlaha ahaana muddaanu wada shaqaynaynay, wasiir waanu kuu xiisnay, aadna waan kuu salaamayaa” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Wasiir Caddaani ayaa sallaanka siyaasadda ee xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo fuulay wasaaradda Maaliyadda oo uu markaas wasiir ka ahaa Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxana ay labada masuul muddo dheer soo ahaayeen isku ollog aan dhexdooda la marin.

Sidoo kale wasiir Caddaani ayaa saaxiibkii Samaale kadib muddo kooban sii joogay wasaaradda Maaliyadda oo ay wasiir Samsam masuul ka tahay, waxana loo dallacay wasaaradda Duulista oo uu muddo bilo ah wasiir ka ahaa, isagoo markii dambena noqday wasiirka warfaafinta oo uu haatan xilkeeda hayo.

Sidoo kale Ex. Wasiir Samaale, ayaa wali dibadda kaga maqan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo iska casilay xubin-nimadeeda, waxana muddooyinkan dambe soo baxayey warar sheegaya inuu kasoo noqday mawqifkii adkaa ee uu xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE hore uga qaatay.