Somaliland: Shirkadda Dahabshiil Group Oo Lacag ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Magaaladda Ceerigaabo

0
1007

Shirkadda  caalamiga ah ee Dahabshiil Group ayaa maanta kaalmo  lacageed oo dhan $2000 dollar waxay    ku caawisay  caruurta Agoomaha ah ee ku jira xarunta Cusmaan Binu Cafaan ee magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xarunta  agoomaha  magaaladda Ceerigaabo   oo  ay  ku jiraan caruur ay tiradoodu gaadhayso 50, ayaa waxa hadda   gacanta ku hayso hay’adda Geeska Afrika.

Caawimadaasi lacageed ee ay shirkadda Dahabshiil  ku wareejisay xaruntaasi ayaa loogu tallo-galay in caruurta agoonta ah ay kaga qayb qaataan maalmaha ciidda ee inagu soo foolka leh awgeed.

Munaasibadii wareejinta lacagtaasi waxaa ka soo qayb galay  maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Ceerigaabo,  xubno ka mid ahaa culimadda magaaladaasi,  masuuliyiin ka socday hay’adda Geeska Afrika.

Guddoomiyaha hay’adda geeska Afrika ee gobolka Sanaag  C/laahi  Axmed Maxamed,  oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa uga mahad naqay shirkadda Dahabshiil kaalmadda lacageed ee ay soo gaadhsiisay  xarunta agoomaha ceerigaabo  caruurta ku jirta.

C/laahi  Axmed Maxamed, ayaa ugu baaqay shirkadaha kale ee is-gaadhsiinta iyo kuwa ganacsigaba in ay ku daydaan shirkadda Dahabshiil, isla markaana ay ka qayb qaataan caawinta caruurta agoomaha ah.

Waxaanu yidhi “Shirkadda Dahabshiil Group, waxay maanta  daah furtay barnaamij aan hore looga hirgelin xarunta agoomaha ee Ceerigaabo, oo ah  in ay maanta  xarunta agoomaha ku wareejinayso lacag dhan $2000 dollar,  oo ay ugu tallo gashay in ay uga dhigto Xaqul-Ciid, caruurta agoonta ah ee ku jirta xaruntani  oo ay tiradoodu dhan tahay 50 caruur ah.   Shirkadaha kale ee is-gaadhsiinta ama kuwa ganacsiga, iyagana waxaan leeyahay Dahabshiil ku dayda”.

Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group ee gobolka Sanaag  C/raxmaan Maxamed Ciise, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadii uu lacagta ugu wareejinayay xarunta agoomaha, waxa uu sheegay in ay lacagtaasi ugu tallo galeen in lagu ciidsiiyo caruurta agoomaha ah.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigoo ah guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group ee gobolka Sanaag, waxaan ku wareejinayaa maamulaha  xarunta agoomaha Ceerigaabo lacag dhan $2000 dollar. Lacagtaasi oo aanu ugu tallo galnay in ay ku ciidaan 50 caruur ah eek u jira xaruntani”.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay mayaarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil group uga mahad naqay kaalmadda ay soo gaadhsiisay caruurta ku jirta xarunta agoomaha magaaladda Ceerigaabo.

“Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,  haddii aad tihiin Dahabshiil Group.  Furihii ayay noo keentay, laakiin intaa wax ka badan ayaanu ka doonaynay. Waayo xaruntu waxay u baahan tahay fasalo ay dheeraad ah oo ay caruurtu wax ku bartaan. Dahabshiil waxaanu ka sugaynaa in ay xarunta u gaysato waxtar intaa ka badan. Intaa ay maanta noo keeneena, ILLAAHAY miisaanka xasanaadka ha ugu darro ayaan leenahay”.