Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Garaad Abshir Saalax

0
878

Alle ha u naxariistee waxa maanta magaaladda Stockholm ee Sweden ku geeriyooday Marxuum-Garaad Abshir Saallax Maxamed oo muddo labaatan sannadood ah hayay xilka garaadnimo, isagoo ka mid ahaa madax-dhaqameedka magaca weyn ku leh Somaliland.

Geerida marxuumka waxa warbaabinta u xaqiijiyay Mukhtaar Haybe oo ka mid ah eheladiisa oo sheegay in geerida Garaadku ay jug weyn ku tahay qoyskiisii iyo qaranka oo dhan, waxaanu tilmaamay in marxuumka oo muddo lagu dawanayay dalka Sweden uu intii aanu xijaaban ku dar-daarmay in lagu aaso dalkiisii. Marxuumku waxa uu ku dhashay degmadda Widh-widh ee gobolka Buuhoodle sannadkii 1939-kii.

Garaad Abshir Saallax, oo ka soo jeeday gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedkii wax ka saxeexay go’aankii dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland. waxa kale oo uu xubin ka soo noqday Goleyaashii wakiiladda ee soo maray Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qoyskiisii, madax-dhaqameedka iyo shacbiga Somaliland-ba ka tacsiyadeeyay geerida Garaad Abshir, waxaanu Marxuumka ku sifeeyay mid kaalin ka soo qaatay wada jirka iyo dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhambaalka tacsida ee Madaxweynaha waxa nasoo gaadh siiyay afhayeenka madaxtooyadda Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday 01/07/2016 dalka Sweden.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlanahaa horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland, waxaana garaadka lagu tiriyaa mid ka mida garaadada ugu faca weyn gobolka Sool. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Geesta kalena, dawladdii Alle ha u naxariistee Maexuum-Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa xidhay Marxuum Garaad Abshir Saallax mar uu ka soo degay madaarka Berbera oo uu ka mid ahaa dad Somaliland ka soo jeeday oo ka qeyb galay shirkii Carta ee lagu soo dhisay dawladii Cabdi-qaasimkii Xamar, iyadoo muddo kooban ka dib lagu sii daayay cafis madaxweyne.