Somaliland: Hoggaanka KULMIYE oo Wareejiyey Wejigii labaad ee Koobab Iyo Billado Xisbigu ugu Deeqay Tartannada Ramadaanta

0
850

Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa wejigii labaad ee koobab iyo billado xisbigu ugu talogalay kooxaha ku guulaysta tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan ku wareejiyey guddiyada saddex garoon oo ku yaal caasimadda Hargeysa oo ah qaybtii labaad ee gegooyinka tartamadu ka socdaan.

Masuuliyiinta xisbiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad) iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyada iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu horkacayey Agaasimaha Guud Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), ayaa koobab iyo billado la siinayo kooxaha kaalmaha kowaad iyo labaad ka gala tartamada bisha Ramadaanta ee ka socda garoomada Xawaadle, 31-ka May iyo Dhurqaanta oo ah qaybtii labaad ee xisbigu gaadhsiiyo deeqdan, iyadoo hore loo siiyey saddex garoon oo hore.

Wareejinta billadaha iyo Koobabka oo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ku bixiyeen kormeer ay ku mareen saddexda garoon galabta, waxa hadallo kooban oo ay u jeediyeen ay dhiirrigelin iyo guubaabo ku siiyeen dhallinyarada, waxaana da’yartii kubadda ciyaaraysay iyo kuwii daawanayba uga warrameen sida xisbiga KULMIYE ay uga go’an tahay taageerada iyo horumarin ay helaan.

Xubnaha guddida ah ee gacanta ku haya tartamada kubadda cagta ee garoomada agabka loo qaybiyey ka socda, ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyey taageerada uga timi xisbiga KULMIYE, waxaanay sheegeen iyagoo dhallinyarada ka wakiil ah inay abaalka xisbiga maanka ku hayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka hadlay madal koobab afar ah lagu guddoonsiinayey guddida garoonka Xawaadle oo laba wareeg ka socdaan, ayaa sheegay in xisiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay sidii da’yarta horumarkeeda waqti loo gelin lahaa, waxaannu yidhi, “Garoomada ay ka socdaan ciyaaraha bisha Ramadaanta xisiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland oo is huwani waxa ay gaadhsiiyeen agabkii ay u  baahnaayeen, waxaana naga go’an inaannu ka qaybqaadano dhiirrigelinta ciyaartoyda, waxaanay u heellanahay horumarintooda, ciyaarahana waxaanu rabnaa inay noqdaan ciyaaro anshax leh. Xisbigan KULMIYE-na waxaanu doonaynaa inuu arrintan hormuud ka noqdo oo uu garoomada inoogu yimaaddo oo ina dhex joogo oo uu xaaladooda u ogaan lahaa.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa sharraxay sida xisbiga KULMIYE ay uga go’an tahay inay xoogga dalka oo dhallinyarada ah muhiimad gaar ah siiyaan, ”Ujeeddada aannu hawshan ka leenahay sidii dhallinyarada oo cududda waddanka ah loo mashquulin lahaa oo waxyaalaha gurrucan ee qabyaaladda iyo balwaduhu ka mid yihiin looga mashuulin lahaa, meelo baddana waanu ka wadnaa oo caasimadda iyo gobolladaba ah,” ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Ismaaciil.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad) iyo xubno kale oo xildhibaanno iyo saraakiil Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha isugu jira oo iyaguna garoomadaasi ka hadlay, ayaa dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay ka dheeraadaan balwadaha xun-xun ee mustaqbalkooda aafaynaya, isla markaana ku dedaalaan isku duubnidooda iyo wada jirkooda.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu gacantiisa ku wareejinayey koobabka iyo billadaha garoomadaas la geeyey, ayaa xusay in siyaasadda xisbiga KULMIYE ay kaalmaha hore kaga jirto horumarinta da’yartu, “Siyaasadda xisbiga iyo dawladdaba waxa ka mid ah in dhallinyarada lagu dhiirrigeliyo ciyaaraha, waana waxyaabaha horumarka dalka faa’iidada badan u leh, dhallinyaradana waxaan leeyahay ciyaaraha horumariya oo dhibaatada qabyaaladda hallagu dagaallamo, ujeeddadeenu waa taabbogelinta ciyaaraha iyo sidii aynu meesha uga saari lahayn qabyaaladda,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin Axmed.

Xisbiga KULMIYE, ayaa maalmo kooban gudihii ku wareejiyey lix garoon oo caasimadda Hargeysa ku yaal koobab iyo billado loogu talogalay kooxaha kaalmaha hore ka gala tartamada kubadda cagta, iyadoo horena uu agab ciyaareed oo diraysyo iyo kuubado uu u gaadhsiiyey dhammaan kooxaha ka qaybgalaya tartanka bisha Ramadaan ee magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Boorama iyo magaalooyin kale.