Somaliland: Dahabshiil Group Oo Jaamacada Bariga Afrika Ee Buuhoodle Gudoonsiisay Deeq Dhan $10,000 kun Oo Dollar

0
838

Shirkadda xawaaladda lacagaha ee DahabShiil ayaa  maanta  gudoonsiisay lacag dhan $1o kun oo dollar jaamacadda Bariga Afrika faraceedda magaaladda Buuhoodle, lacagtaasi oo ay kaga qayb qaadanayso horumarinta jaamacadda.

Waxaanay shirkadda Dahabshiil lacagtaasi kaga dhawaaqday kulan ku saabsanaa horumarinta jaamacadda oo ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan, cuqaal, culimaw’udiin, wax-garad, waalidiin,  ardayda wax ka barata jaamacada iyo sidoo kale masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil ee gobolka  Buuhoodle, masuuliyiinta jaamacada  iyo marti sharaf kale.

Kulankaasi oo shalay ka qabsoomay hooka shirarka jaamacadda bariga Afrika faraceedda magaaladda Buuhoodle,   ayaa waxaa   diirada lagu saaray  horumarinta jaamacadaasi iyo sidoo kale qaadhaanka alcagaeed ee ay shirkadda Dahabshiil Group kaga qayb qaadanayso horumarinteedda.

Waxaana  ka soo qaybgalayaashii  kulankaasi joogay  uga warbixiyey halka ay ka soo bilaabatay aasaaska jaamacada, heerarkii kal duwanaa ee ay soo martay mudadii ay jirtay jaamacadu iyo halka ay haatan marayso iyo waxyaabaha ay hiigsanaysaba gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceedda Buuhoodle Cabdishaafi   Axmed  Cali.

waxaanu  yidhi ”Kulankan oo ah mid aanu u qabanay horumarinta jaamacada, waxaynu ku hormarinaynaa deeqdan dhaqaale ee ay shirkada Dahabshiil kaga qayb qaadatay horumarinta jaamacada,  taas oo dhan 10 kun oo doolar.

Waxaanuna  kaga gudoonay madashan masuulkeeda laanta shirkada ee  Buuhoodle,  waana mid aanu uga mahad celinayno shirkada Dahabshiil. Sidoo  kale masuuliyiinteeda nala xasuustay in ay wax-qabadkeeda doorkan naga qayb geliyaan, iyagana waan u mahad naqaynaa.  Dhinaca  kale waa mid aanu filayno in ay dhamaan shirkadaha ganacsigu ku deydaan ka qayb qaadashada  horumarinta jaamacada baahiyaheeda daruuriga ah”.

Dhinaca kale, guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faraceedda Buuhoodle, waxa uu ka warbixiyay mar-xaladihii kala danbeeyay ee ay jaamacadu soo martay iyo waxyaabihii ay ku talaabsatay.“Waxaa noo farxad ah  in ay maanta tahay jaamacdu 5-jir.    Hase  ahaatee waxaa guul ah in ay maanta qaan-gaadhay.

Waxaana  ka baxay labadii dufcadood ee ugu horeeyey,  iyadoo ka kooban hadda afar kuliyadood. Sidoo  kalena ay higsanayso in ay la tartanto jaamacadaha kale ee jamhuuriyada Somaliland, isagoo gudoomiyuhu madashii kulanka ka sheegay baahiyaha xilligan u diyaarsan in kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay in lagu garab istaago waxna lagala qabto kuwaas oo ah 4-qaybood oo kala ah, dhul,  dhisme, qalabayn   iyo  socod-siin-ba”ayuu yidhi C/fataax Axmed.

Sidoo kale, Gudoomiyaha   shirkadda Dahabshiil Group laanteeda  Buuhoodle  C/casiis  Ismaaciil Garaad Soofe, oo isna kulankaasi hadla ka jeediyay  waxaanu faahfaahin ka bixiyay  lacagtan ay ugu deeqeen jaamacadda Buuhoodle. Isagoo sheegay in ay lacagtaasi kaga qayb qaadanayaan horumarinta jaamacadda.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaanu maanta   anigoo ka wakiilka shirkada ganacsiga ee Dahabshiil group aanu ku wareejinaynaa maamulka jaamacada bariga africa xarunteeda Buuhoodle deeq lacageed oo dhan 10 kun oo dolar.

Taasoo   ka mid ah waxqabadka shirkadu kaga qayb qaadato horumarka daruuriga ah ee muuqda hadba meesha ay ka jiraan ee ku haboon.  Anagoo  maanta kaga qayb qaadanayna horumarinta jaamacada lacagtaas cadadkaas ah oo ah tii u horeysay anagoo la garab istaagi doona hadba intii karaankayagu awoodo ka shirkad ahaan”.