“Ingiriiskuba Midawgii Yurub Wuu Ka Baxaye Anaga Maxaa Naloogu Adkaynayo Soomaali Wayn” Xildhibaan Nac-Nac

0
803

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya ay waxba isku jirin isla markaan ay yihiin laba dal oo kala madaxbanaa oo wakhti hore kala dhaqaaqay balse ay yihiin laba waddan oo walaaltimo iyo jaarnimo ka dhaxayso waxaanu yidhi “Somaliland ictiraafkii illahay way haystaa waxaan illahay ka rajaynayaa inay kii bili-aadamka hesho”

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac waxa fariin iyo canaan isku lamaan hawada u mariyay dawladda Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo uu ku dhaliilay sababta Somaliland iyo Soomaaliya iskugu lamaaneeyaan iyagoo iyaguba midawgii yurub ka baxay waxaanu yidhi

“dawladdaha Yurub iyo Ingiriiska waxa aan leeyahay Ingiriis-ba waa kaa iska baxay Midowgii Yurub annaga waxa la noogu adkaynayo Soomaali weyne arrintaa reer yurub ayaanu waydiinaynaa waa su’aal weyn waxaan leeyahay adinka ayaa garanaya sababta aad noogu haysaan Soomaaliya”

Ugu danbayntii Xildhibaan Nac-nac waxa uu ka hadlay midowgii lagu hungoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu sheegay in ayna wali taagan tahay dhibaatooyinka ka soo gaadhay dad reer Somaliland midowgaa saqiiray waxaanu yidhi

“annaguna nimankii aanu la midownay ee aanu walaalaha moodaynay waxay na taraan iska daaye wax ayna yeeleen waa la og yahay wali qoontee ayaa na haysa dadkii ku dhaawacmay raggii ku dhintay hooyooyinkii caruurtooda ku waayay intiiba halkii ayay taagan yihiin” ayuu yidhi xildhibaan Nac-nac.