Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sababtay Ay Ugu Hanjabto Somalia, Itoobiyana Uga Hamrato.

0
571

“Itoobiya Markaan Tago Waa La I Soo Dhoweeyaa Oo Gaadhi Madaw Ayaa La Ii Keenaa Laakiin Xamar…” Wasiir Warancadde.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay fasiraad ka bixisay kala duwaananshaha habdhaqanka ay u muujiyaan dawlada Somalia, Jabuuti, iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo la waydiiyey sababta ay ugu soo degdegaan u jawaabidda Somalia marka uu hadal ka soo yeedhay iyo sidoo kale sababta ay Itoobiya uga hamradaan marka ay ku soo xadgudubto muwaadiniinta Somaliland , ayaa uu wasiirku ku jawaabay inaanay Somaliland u sinayn Somalia oo uu sheegay inay ka soo horjeedo qaranimada Somaliland halka ay dawladaha Itoobiya iyi Jabuuti ixtiraam iyo qadarini ka dhaxayso., isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu wasiir warancade yidhi:

“Horta dawladuhu waa inay inoo kala sooc naadaan dawladuhu, Somalia waa dawlad soomaaliyeed oo aynu lixkdankii isku darsanay oo ina dulmiday oo aynu ka goosanay oo illaa iminka ina sheeganaysa markaa ninka dawladnimadeena iyo xorriyadeena iyo qaranimadeena leh waxba kama jiraan cid uu iila mid yahay ma jirto ninkaasi waa inuu dadka iiga duwanaadaa”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markuu Jabuuti iyo Itoobiya tago si fiican loogu soo dhaweeyo lana marxabaysiiyo, waxaana uu yidhi “Umadaha kale ee Itoobiya Jabuuti waxaa inaga dhexeeya dawladnimo iyo ixtiraam, anigoo wasiir ah baan tagaa wa la i soo dhaweeyaa baabuur madaw ayaa la ii keenaa martibaa la ii keenaa, Xamar-na dee waad ogtahay “.