“Khaladkii Somaliland Ku Dhacay Waxaa Sal U Ahaa Siyaasadda Iyo Nidaamka Dawliga Ah OO Naga Xumaaday” Madaxweynaha Maamulka Muqdisho

0
615

Madaxwaynaha dawladda taagta daran ee Somalia ayaa sheegay inay garwaaqsan yihiin khaladkii lagaga galay shacbiga Somaliland, wakhtigii midawgi labada dal, isagoo sidoo kalena sheegay in khaladkaasi sababtiisa ay lahayd dawladdii wakhtigaasi jirtay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibadda xuska 26-ka June ayaa shacbiga Somaliland ku beerlaxawsaday in khaladkii dhacay la sixi doono, Xasan Sheekh oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Walaalaheena gobollada waqooyi waxay kaalin weyn ka qaateen in midnimada ay dhalato, iyagoo weliba aan wax shuruud ah ku xirin. Waxay taasi muujineysaa heerka ay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali oo mid ah. Waan qiraynaa in khaladaad ay dhaceen, dhibaatana loo geystey xornimada kadib. Khaladaadkaasi waxaa sal u ahaa siyaasadda iyo nidaamka dowliga oo naga xumaaday.

Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan muujino garowshiyo, daweynta nabarada soo gaaray iyo inaan ka fogaano wax alaalee wixii khatar gelin kara wadajirkeena iyo wada noolaanshaheena’’.