Hay’adda UNESCO Oo Diiday In Laas-geel Lagu Darro Goobaha Caalamka Ee Lagu Xafido Aasaarta Qadiimiga Ah

0
320

Maalgashiga Dekedda Berbera Oo Kordhin Doonta Dalxiiseyaal Yimaada Laas-geel.

“Xilligan waa qeyb ka mid ah dhiigayaga, beri , Haddii ILAAHAY  Yidhaahdo, waxay noqon doontaa goobta sabab u noqota aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka,” Sidaa waxa yidhi, Muuse Cabdi Jaamac oo ilaaliya Laas geel.

Warbixin lagu baahiyey wargeyska Modern Ghana, ayaa  lagaga  hadlay xaalada muuqaalada ku xardhan deegaanka Laas-geel ayaa lagu bilaabay:“Qarniyo ayaa ka dambeeyey muuqaalada casaan iyo cadaanka ee ku xardhan buuraha Somaliland kana mid yihiin lo’ deerro, gerri, iyo ugaadhsato leeb iyo qaanso wata.

Wakhtigan sawirrada Laas-geel ee ku yaal dalka aan aqoonsiga haysan ee Somaliland weli muuqaalkoodii wuu joogaa, taasoo muujinaysa taariikhdii xoolo-dhaqatada ka hor shan boqol oo sannadood iyo dheeraad.”

“Muuqaaladani waa layaab, noocooda lagama helayo meelna qaarada Afrika,” ayuu sheegay Cabdisalaan Shabeel, oo ka tirsan Wasaarada Dhalinayarrada iyo Dalxiiska. “Haddii aan wax laga qaban imika, 20 sannadood dabadeed dhammaantood way lumayaan,” ayuu raaciyey.

goobtan ayaa u baahan ilaalin. “ma lihin aqoonta, waaya-aragnimada ama dhaqaale, waxaan u baahan nahay taageero,” Ayuu sheegay Cabdisalaan Maxamed Shabeel.

Sawiradan ayaa loo arkaa kuwa ugu taariikh fog, una xafidmay goobaha aasaarta Afrika, laakiin waxa keliya ilaaliya dhowr waardiye oo dadka booqda u sheega inaanay taaban.

“Aqoonsi la’aanta wadanku waxay caqabad ku tahay xafidaada  aasaartan,”ayuu sheegay  Xavier Gutherz, madaxii koox aasaarta baadha oo Faransiiska u dhashay sannadkii 2002-dii.

Kooxdan aasaarta baadha ayaa Laas-geel weydiisay hay’adda UNESCO inay ku daraan goobaha caalamka, laakiin, codsigaa waa la diiday aqoonsi la’aanta Somaliland darteed.

“Keliya dalalka xubno ka ah ururka Aasaarta Adduunka ayaa yeelan karta dalabkan,” ayey sheegtay afhayeen u hadashay hay’adda UNESCO.

Maalgashiga balaadhan ee u soo socda dekeda Berbera ayaa la filayaa inay kordhiso dalxiisayaasha u soo daawasho taga Laas-geel

“Werwerkaasi Somaliland waa wax jira,” ayuu sheegay Gutherz, oo tilmaamay tallaabooyin lagu ilaalin karo goobahan.

Muusa Cabdi Jaamac, oo Ilaaliyeyaasha Laas-geel, ka mid ah  ayaa u arka inay goobtani sabab u noqon doonto aqoonsiga Somaliland.

“Goobtan, xilliyadii hore dadku waxay u yaqaaneen goob jin, waxaanay  ku qali jireen xoolo, si ay nabadgelyo u helaan,” ayuu sheegay Jaamac Cabdi,waxaanu intaas ku daray “Xilligan waa qeyb ka mid ah dhiigayaga, beri , Haddii ILAAHAY  Yidhaahdo, waxay noqon doontaa goobta sabab u noqota aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka.”

Comments

comments