Dahabshiil oo Markale kaga Guuleystay Dahir Alasow Maxkamadda Sarre ee Holland

0
1182

Wargeyska Africa Intelligence ayaa Warbxin Xukun Hordhac ah ka qoray Budhcad Saxaafadeedka Dahir Alasow ee Dagaal Daacaayad ah ku qaaday Shirkad ka mid ah Shirkadaha Xawaaladdaha ugu Caansan aduunka ee Dahabshiil.

Warbixinta ayaa u Qornayd Sidan:-

” Madaxweyne ku-xigeenka  Maxkamadda Sare ee Netherlands Floris Bakels, ayaa Mar kale u Xukumay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil Dacwadda ay kula jirtay Dahir Alasow ee 3-da June.

Wariyahan magangalyadda Siyaasadeed ku jooga Netherlands oo ah Gudoomiyaha koox Budhcad Saxaaafadeed ah oo isku xidhan isla markaana Maamula Websites faro badan, ayay Maxkamadda Sarre ku Xukuntay inuu Bixiyo Kharashkii ka galay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil maxkmadda Dalka Holland kharashkaas oo dhan $3400.

Dahir Abdulle Alasow ayaa daabacay dhowr Maqaal, taas oo uu ku eedeeyay Dahabshiil inay xiriir la leedahay Al-Shabaab, dil iyo Waxyaabo kale oo been abuur ah.

Dahir Abdulle Alasow oo aan hore ugu hogaansamin xukunka rafcaanka ahaa ee December 2014 isaga oo ay maxkamadu ku amartay inuu ka soo saaro maqaaladda Been abuurka ah ee uu ka Daabacay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil.”