“Shacabka Somaliland Waxa Ku Soo Dhacday Cadaawaddii Ugu Xumeyd Ee Dawladi Sameyso” Talevtion-ka Aljazeera

0
387

Telefishanka caalamiga ah Al-jazeera, ayaa soo habeen hore baahiyay barnaamij iskugu jira filim iyo qoraal dheer oo ay kaga hadleen xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay gobollada Somaliland ee ay dadkii shacabka ahaa u geysteen ciidammadii taliskii Siyaad Barre ee Soomaaliya.

Telefishanka Al-jazeera, waxa uu sheegay in konton kun oo qof oo rayid ah oo u dhashay Somaliland talliskii Siyaad Barre ku xasuuqay deegaamadoodii, taasi oo noqonaysa dhaqankii ugu arxanka darraa ee dawladi ay shicibkeeda u geysato.Warbixintani waxay farta ku fiiqday dhacdooyinkii xasuuqii loo haystay Col. Tuke oo ay toosh weyn ku ifisay.

Faysal Cabdilaahi Cabdalle oo ka mid ah Tifaftireyaasha DAWAN, ayaa warkan ka diyaariyay warbixintii Telefishanka oo uu soo turjumay, waxaanay u qornayd sidan:- “Soomaaliya waxa loo arkaa meel ka mid ah meelaha dunida ugu khatarta badan- dawlad guul-dareysatay oo si weyn loo aaminsan yahay in ay hoy u tahay qabqableyaal dagaal, budhcad badeed iyo argagixiso,Haseyeeshee xagga Somaliland xaqiiqadu sidaa waa ay ka duwan tahay.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo leh caasimadda soo koreysa ee Hargeysa. In kasta oo aan weli loo aqoonsan dawlad madax-bannaan, haddana waxa ay ku soo caano maashay nabad iyo deggenaansho.
Somaliland waxa ay soo martey taariikh madow oo ku mudan xasuusta muwaadiniinteeda, kuwaasi oo ay ku soo dhacday cadaawaddii ugu xumeyd ee dawladi kula kacdo dadkeeda.

Taasi oo kaga timi keligii taliyihii naxariista daraa Jeneral Siyaad Barre – ee soo xukumi jirey sannadihii 1969 illaa 1991 – kaasi oo ku qaaday dagaal beelihii degggenaa dhulkaasi. Isaga oo rumeysnaa in ay taageerayaan kacdoonkii ka dhanka ahaa isaga oo taa kaga aargudanaya waxa uu u direy ciidamadiisii oo uu awood u siiyay in ay cagta mariyaan cid kasta.

Caasimada Hargeysa waxa gebi ahaanba lagu burburiyay duqeyn bilaa xad iyo naxariis aheyd.Kumanaan dad ah ayaa la qaxiyay ama la dileyba.Dhinaca kale Ciidamadii Siyaad Barre waxa ay dil iyo jidh dilba ku sameeyeen dad kale oo ka badnaa 50,000 oo qof oo badankoodu shacab ahaa, waxaanay meydadkoodii ku aaseen xabaalo wadareedyo. Haatan dadka ku nool dhulkaasi waxa ay isku dayayaan in ay sugaan mustaqbalkooda, waxaanay dareemayaan qaarkood in dib loo baadho falalkaasi murugada lahaa oo kuwii ka masuulka ahaa lala xisaabtamo.

Haddaba baadhis gaar ah oo laba dhinac leh dadka iyo awoodda waxa ay kulmisay bulshadii soo martey xaaladihii argagaxa lahaa ee tegay, waxaana isku biirey kooxo baadhaya sidii wax u dhaceen iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha, kuwaasi oo isku dayaya in caddaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo kuwii galay dembiyadaas dagaal oo uu ka mid ahaa , Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaanay Colonel Tuke.

Jose Pablo Baraybar, oo ah baadhe caan ka ah dunida oo ku xeel dheer cilmiga loo yaqaan forensic ee baadhista hadhaaga lafaha dadka iyo waxa sababay dhimashadooda iyo muwaadin u ololeya xuquuqda binu’aadamka Cabdicasiis Diiriye, oo dhawr ka mid ahaa qoyskiisa la dilay laguna aasay xabaalo wadareedyo, taasi oo ah ta dhalisay in la diiwaangeliyo howsha muhiimka ah ee la qabanayo iyada oo ujeedadu tahay in daaha laga rogo dembiyadii ay amartey dawladdii Barre ee ay fuliyeen milaterigii Soomaaaliya maalmahaasi madoobaa.

Kooxda Jose Baraybar waxa ay isku dayayaan in ay dibada soo dhigaan oo soo faqaan xabaallo wadareedyo la rumeysan yahay in ay yihiin goobihii askartaasi ku aaseen meydadkii dadkii deegaanka ee ay laayeen.
Kooxdani waxa ay rajeyneysaa iyaga oo gacan ka helaya ehelada dadkii la laayay in ay awoodi doonaan in ay xaqiijiyaan hadhaaga qalfoofka oo ay u noqoto caddeymo goobjoognimo oo taageeraya la xisaabtanka sidii dadkaasi u dhinteen.
Soomaalida dhalatey kadib dagaalkii sokeeye waxa ay ogaan karayaan dareenkaasi xanuunka lahaa iyada oo jiilba u gudbinayo jiilka ka dambeeya iyaga oo aan awoodin in ay si buuxda u helaan sababta.
Haddaba, mashruucani waa iskuday lagu diiwaan-gelinayo xaqiiqooyinkaasi , isla markaana in ay ka bixiyaan faalleyn hababka caddaalada ee waqtigan ay heli karaan kumanaanka lagu dulmey xasuuqaasi.

Iyada oo aan la qirin xanuunkaasi ma jiri karayo wadahadal caafimaad qabaa. Haddaba si dhammaan hore loogu socdo waa in Soomaalidu si dhab ah u qiraan belaayadii iyo baaskii dhacay, si hore loogu wada dhaqaaqo.”

Comments

comments