Magacyadda Afar Halyay Oo Ku Guulaystay Tartanka Quraanka Kariimka Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
952

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hadyad Farxad Gelisay Ka Gudoomay Wiil Yar Oo Barashadda Diinta Ku Barbaaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay abaal-marino qaali ah gudoon siiyay afar arday oo ka mid ah xufaada xambaarsan quraanka kariimka ee kaalmaha hore ka galay tartanka sannadlaha ah ee loogu magac-daray “Tartanka quraanka kariimka ee Madaxweynaha” oo afar jirsaday isla markaana sannadkan ay ka qeyb galeen 18 qof oo ka kala socday gobollada dalka kuwaasi oo dhibco aad u yar ku kala hantay kaalmaha hore.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay dedaal weyn u galayso sidii kor loogu qaadi lahaa diinta islaamka isla markaana uu illaa heerka ugu sareeya dhiiri-gelinayo barashada quraanka kariimka ah.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad afur iyo casho sharaf iskugu jirtay oo uu xalay u sameeyay ardaydii tartankan ka qeyb gashay iyo culimadii qaban qaabisay tartanka quraanka kariimka ee madaxweynuhu maal-geliyay, sida lagu faahfaahiyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu ku sharaxay jawigii munaasibadaasi u qabsoontay iyo hadyad qaali ah oo la gudoon siiyay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku mutaystay juhdiga uu geliyay in kor loo qaado diinta islaamka. War-murtiyeedkaasi oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa markii labaad sharfay diinta Islaamka ka dib markii uu afur iyo Casho u sameeyey tartamayaashii Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee kaalmaha hore ka galay, munaasibad ku qabsoontay qasriga madaxtooyada shalay galab.Munaasibad tan ka horaysay ayaa ahayd afur iyo casho sharaf madaxweynuhu u sameeyey haldoorka culimo awdiinka dalka isla qasriga madaxtooyada Khamiistii la soo dhaafay.
Tartanka Xifdiga oo la magac baxay tartanka Madaxweynaha ee Qur’aanka kariimka ah ayaa ahaa sannadkii Afraad ee tartankan Madaxweynuhu qabsoomo, isagoo ka soo bilaabmay masjidka dhexe ee Caasimadda ee Cali Mataan, laguna khatimay qasriga madaxtooyada, iyadoo dhinacna laga maamuusayo madaxweynaha loogu magac daray, madaxweynuhu sharfayo qur’aanka kariimka ah, in lagu tartamo barashadiisa.

13427785_985789194868267_7006183445109618879_n

Sida uu ku warbixiyey sheekh Maxamed Aadan Muxumed, Imaamka iyo (Khadiibka) Masjidka Cali Mataan waxa sannadkan ka qeyb-galay tartanka 18 wiil oo ka kala socda gobollada dalka oo dhan, 14 ka mid ah masaajidka ayaa loogu sheegay siday u kala horreeyeen, oo iyaga laftoodu kala sarreeyey, halka afartii ugu sarreeyey, madaxweynuhuna guddoonsiinayo jaa’isadaha. Waxa kale oo u yidhi “Madaxweyne, sannadba sannadka ka dambeeya tartanku wuu sii adkaanayaa, dhibcaha lagu kala guulaysanayaana way sii yaraanayaan, taasina waxay tusaale u tahay inuu tartanka qur’aan xifdigu sii caan baxayo marba marka ka dambaysa.” Erey kale oo laga xiganayo hadalka Sheekh Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha guddida tartanka ayaa ahayd, “Shaqadan cidna isuma tusayno, oon ahayn in aan ajar iyo xasanaad kaga doonayno Ilaahay.” Wuxuu ku soo jaray hadalkiisa waxqabadka madaxweynaha ee dhinaca diinta oo uu sheegay inay ka mid tahay tartankan qur’aan Akhriska, alkumidda hay’adda zakeda, dhismaha masaajidka madaxtooyada iyo kuwa kale.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaa ka hadlay ayaa faah-faahiyey ujeeddada hoggaanka dalku ka leeyahay munaasibadan diiniga ah, waxaanu yidhi “Dulucdu ma aha inaynu wada afurno oo kaliya, iyo dhiirigelinta barashada qur’aanka uun, balse way ka xeel dheer tahay, waxay daarran tahay oo kale ilaalinta diinta islaamka ee aynu masuulka ka nahay Dawladda masuuliyadeedu ma aha kaliya adeegga bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxay sidoo kale dawladdu masuulka tahay dhawrista diinta iyo ku camal falkeeda suubban.”
Wasiirku Isagoo si gaar ah ula hadlaya da’yartii tartamaysay wuxuu yidhi “Waad ka nasiib badan tihiin da’dayadii, qur’aan xafidsanayaashu way nagu yaraayeen, Hargeysa oo aan dugsiga sare ka galay, nin qudha ayaa xifdiga qur’aanka ah looga dambayn jiray, laguna magacaabi jiray Faysal Cali Faarax, imikana gobol kasta oo aad marto wiil da’yar oo xaafid ah ayaa ku tukinaya, ka dheeraada qabyaaladda, tahriibka, iyo afkaarta khaldan, ogaada inaan dhammaanteen nahay Ehlu-sunna, Xusuusta waxa dalalka qayrkeen ee islaamka ah ka taagan, iyo cadaawadda iyo dilka ka dhacaya.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu u mahadnaqay, sheikh Maxamed Aadan iyo qaban qaabiyeyaashii tartanka madaxweynaha, wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta, warfaafinta iyo wacyigelinta iyo garsooreyaashii tartanka iyo warbaahinta kala duwan.

Magacyadda Afarta Arday Ee Kaalmaha Hore galay

  1. Mubaarak khaliif Yuusuf oo ku tartamayey magaca Maroodijeex ayaa kaalinta koowaad galay waxaanu keenay 100%, waxaana la siiyey gaadhi NOAH iyo lacagtii shidaalka, waxa u raacay ducada Madaxweynaha.
  2. Ibraahim Maxamuud Axmed oo ku tartamaayey magac Sanaag ayaa kaalinta 2-aad galay, waxaanu keenay 99.6%, waxa la siiyey $1,300 oo doollar, Laptop, iyo Kutub diiniya.
  3. Xanafi Bashiir Muxumed ayaa kaalinta Saddexaad galay, waxaanu shaqeystay 99.5%, waxa la siiyey $1,000, Mobile iyo Kutub.
  4. Sakariye Cali Muxumed oo ku tartamayey Sool ayaa kaalinta afraad galay, waxaanu dul dhigay 99%, waxana la siiyey $700 oo doollar iyo Kutub.

Abaal-gudka Carruurta hormuudka xifdiga qur’aanka ahayd ka hor, madaxweynaha laftiisa ayaa waxa la gudoonsiiyey hadiyad ahayd kitaab Qur’aan ah oo marna qofku akhrisanaayo, marna isugu is akhriyaya, marka lagu daaro mishiin yar oo rimuudka oo kale ah, kitaabka oo wata, axaadiistii rasuulka iyo cilmi kale oo diineed, waxa gudoonsiiyey Madaxweynaha Ilma yar oo Sheekh Maxamed Aadan Dhalay oo ay garab taagnaayeen aabbihii iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Gabo-gabadii Madaxweynuhu waxa uu ku soo khatimay ,munaasibadaas hadalkan dhaxal galka ah.“Farxad aad iyo aad u weyn ayey ii tahay in aan xafladan ka qayb-galo. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu kulligeenba innagu anfaco Qur’aanka Kariimka ah. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu wada jir, nabadqab iyo caafimaad qab Inna siiyo, annagoo EEBE uga mahadnaqayna,”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay yidhi “Xifdiga Qur’aanka kariimka ahi waa wax weyn oo muhima, dadkeenna, dhallinyarteenna, iyo shacabkeennaba, waan ku dhiirrinaynaa intii awooddeena ah. Dawladdu wax ay kala hadhaysaa ma jirto, waayo dawlad islaama ayeynu nahay. Qaran ahaan waxa loo baahan yahay in aan wax ka tarno oo gacan qabano cid kasta oo wax ka qabanaysa barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo kor u qaadka diinta Islaamka. Aad iyo aad ayaan idinku mahad naqayaa.”

13417423_985788494868337_1842805366830560228_n 13413112_985788318201688_6869265930398729390_n 13406748_985788371535016_2481143034398111311_n 13432343_985788301535023_3459412716199281200_n 13435470_985789171534936_8297630650100244596_n