Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Madaxtooyadda Afur Ugu Sameeyay Culimadda Dalka

0
1055

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa habeen hore afur iyo casho ugu sameeyay xarunta madaxtooyadda qaar ka mid ah culimadda dalka oo kala socday dhamaanba goboladda dalka.

Kulankaasi oo ka dhacay xaruta madaxtooyadda waxaa goob joog ka ahaa, madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo sidoo kale culimaw-diinka dalka intooda badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi cashadda iyo afurka ahayd ee uu u sameeyay culimadda dalka, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay casuumadda balaadhan ee uu culimadda dalka u sameeyay. Waxaanu tilmaamay madaxweynuhu in culimadda, shacabka iyo xukuumadda uu waajib ka saran yahay in la wada ilaaliyo amaanka iyo horumarka dalka, lagana wada shaqeeyo.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayay farxad weyn iigu tahay in aan caawa (habeen hore) halkan isugu nimaadno. Waxaanan ILLAAHAY ka baryayaa in uu culimadda ducadoodii inoo aqballo. Maadaama oo aynu dad muslim ah nahay, dalkeena nabadgeliyadiisa in aynu ka shaqayno, wanaagiisa ka shaqayno, horumarkiisa ka shaqayno, waa waajib ina wada saran. Talooyinkii caawa halkan laga soo jeediyay, ee wax ku ool-ka ahaa, insha ALLAAHU waanu ku dhaqmaynaa, waananu raacaynaa, waananu ku soconaynaa.”

Waxaanu intaasi ku daray “Dalkeenna iyo dadkeenna sidii aynu hore ugu marin lahayn, ee aynu nabadgeliyadiisa uga wada shaqayn lahayn, ee aynu meel uga soo wada jeedsan lahayn, ee culimadiisa, dadkiisa, shacbigiisa iyo dawladiisuba u wada shaqayn lahaayeen, ayaynu ku dedaalaynaa. ILLAAHAY-na waxaan ka baryayaa in uu inaga aqballo, oo uu meel wanaagsan ina mariyo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo isna casuumadaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in casuumadan afurka iyo cashadda ah ee uu madaxweynuhu u sameeyay culimadda uu yahay mid uu madaxweynuhu joogteeyay intii uu taladda dalka hayay. Isagoo xusay in ay wax lagu farxo tahay in kulankaasi ay isagu yimaadeen culimadii dalka iyo xukuumaddiiba.

“Waxaa caawa (habeen hore) farxad noo ah in ay marti noo yihiin dhamaan ama intoodii bad-nayd culimadii dalka, oo goboladda oo dhan ka kala yimid. Iyadoo tani ay caado noo ahayd mudadii aanu xilka haynay, oo afurkan iyo cashadan aynu wadaagnay aan u malaynayo in uu sanadkii shanaad yahay, oo uu madaxweynuhu joogteeyay in uu sanad walba halkan culimadda dalka ku marti qaado.

Marka koowaad, waxaanu idiinka mahad celinaynaa Ajiibka aad soo ajiibteen marti-qaadkii uu madaxweynuhu idiin fidiyay, ee ah in bisha barakaysan ee Ramadaan habeen ka mid ah aynu wada afurno, wixii tallo iyo tusaale ahna aynu is-waydaarsano, aad ayaanu idiinkaga mahad celinaynaa”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo noo farxad ah dhamaantayo, xukuumadda uu hogaaminayo ee uu odayga noogu yahay Axmed Maxamed Siilaanyo, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, wada shaqaynta wanaagsan ee inaga dhaxaysa, culimo ahaan iyo xukuumadda haddii aanu nahay, iyadoo aanu mar walba ku dedaalno in is-kaashigeena qiimahiisu uu yahay, taa uu maanta dalkeenu ku horumaray, oo ta ugu muhiimsa-na ay tahay waxyaabaha aynu iska kaashano, amniga oo ah shayga ugu mudan ee ummadi ku degan tahay, ee ummadi ku nooshahay, ee ummadi ku gaadho horumar.

Aadna waanu idiinkaga mahad naqaynaa haddii aad tihiin culimadda wacyigelinta aad nala garab taagan tihiin, haddii ay tahay xagga amniga, haddii ay tahay marka ay dhibaato timaado, sidii markii ay sanadkan abaaruhu dhaceen oo kale, markii uu madaxweynuhu gudiga magacaabay, sidii intii magacaw-nayd iyo intii kaleba sidii ay goboladda noogala hawl-galeen. Taana aad iyo aad ayaanu idiin kaga mahad naqaynaa, ee aynu ku bad-baadinay dadkeenii ay dhibaatadu soo gaadhay.”

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad naqay culimaddii goboladda dalka ka kala socday sida wanaagsan ee ay uga aq-baleen madaxweynaha casuumadda afurka iyo cashadda ah ee uu u sameeyay.

Sheekh Khaliil, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan mahad balaadhan uga celinayaa culimadda ka kala timif goboladda dalka. Culimadani waxay ka kala socdaan goboladda kala ah Badhan oo Sanaag Bari ah, Ceerigaabo oo Sanaag ah, Laascaanood oo Sool ah, Burco oo Togdheer ah, Berbera oo Saaxil ah, gobolka Awdal oo uu Selel-na ku jiro iyo gobolka Maroodijeex oo Hargaysa ah.
Culimada halkan joogta waxaa ka mid ah culimadii nagala qayb galay xalintii abaarihii dalka ka dhacay iyo taakulayntii dadkii tabaalaysnaa. Iyadoo haddii aan xubnahaasi la helina aanay inoo suurto gasheen, in aynu goboladda hawl badan ka qabano”.

Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, oo ka mid ahaa culimadii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in ay sharaf iyo qiimo weyn ugu hayaan amdaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland cashadda iyo afurka uu ku qaabilay ee uu u sameeyay culimaw-diinka dalka. Isagoo xusay in iyagu ka culimo ahaan aanay warbaahinta u marinin madaxweynaha iyo xukuumadiisa wixii talooyin ah ee ay siinayaan, isla markaana ay qoraal ugu gudbiyaan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa sharaf noo ah, kulankani uu noo sameeyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Wakhtigii uu na haleelaba anagu (culimadda) raali ayaanu ka nahay in aanu soo ajiibno. Kolay haddii aanu culimadda nahay, anagu had iyo jeer waxaanu nidhaahnaa ma jeclin in aanu warbaahinta ka sii dayno wixii talooyin ah ee aanu u soo jeedinayno madaxweynaha iyo xukuumadda. In aanu jaraa’idka ku qorno-na ma jeclin, warbaahinta kale in aanu ka sii daynana ma jeclin. Sidii fadhigeenii kan ka horeeyayna aanu qoraalka ugu soo gudbinay, wixii tallo iyo tilmaan-ba ah ayaanu anagu (culimadda) jecel nahay”.

Sheekh c/laahi Sheekh Cali Jawhar, waxa uu tilmaamay in akhlaaqiyaadkii dadku ay hoos u sii dhacayaan, fawaaxishkii iyo munkaraadkiina ay soo badanayaan, taasina aanay xukuumadda ku eedaynaynin maadaama oo ay dedaal ugu jirto sidii waxyaabahaasi loo joojin lahaa ama looga hor tegi lahaa.

“Haddii aan dul marro, Al-xamdu Li laah, maanta dalkeenu meel fiican ayuu marayaa, wixii dhibaato ah ee jirana waa in la sheego. Waxaad arkaysaa dadkeenii iyadoo aanaan anagu (culimadda) xukuumadda ku eedaynaynin, laakiin wax aduunkaba ka wada taagan ay tahay, in akhlaaqiyaadkii dadku ay hoos u sii dhacayaan, fawaaxishkii iyo munkaraadkiina ay maanta soo badanayaan.

Iyadoo hadana xukuumaduna ay dedaalayso, culimaw-diinku ay masaajidadda kaga hadlayaan, taa sidii wax looga qaban lahaa Guntiga in aynu Dhiisha isaga dhigno weeyi, oo dedaal iyo Juhdi xoog ah aynu u galno, sidii waxyaabahaasi Munkaraadka ah aynu uga hor tegi lahayn” ayuu yidhi sheekh C/laahi.

Sidoo waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkii diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Daahir rayaale, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, oo tilmaamay in ay madaxweynaha uga mahad naqayaan casuumadda afurka iyo cashadda isugu jiray ee uu u fidiyay.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha iyo madaxda kale ee dawladda iyo sidoo kale culimadda iyo madaxda kale ee xagga diinta oo caawa (habeen hore) halkan ku kulantay. Kulankaasi ka soo qayb galkiisu sharaf aad u weyn ayuu noo yahay, waananu uaga mahad naqaynaa madaxweynaha noo sameeyay arrintaasi, oo uu madaxdii dawladda iyo madaxdii diinta meel isugu keenno, oo sidii hore loo sheegay uu madaxweynuhu caadaystay, oo caaddo uu isagu bilaabay ay tahay, waana arrin aad iyo aad u wanaagsan, oo anagana sharaf noo ah, ummadda kale wixii ka soo qayb galay-na sharaf u ah. Waanan u ducaynaynaa madaxweynaha.”

Sidoo kale qaar ka mid ah culimadii kulankaasi cashadda iyo afurka aha aka qayb galay oo iyagna halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa madaxweynaha uga mahad naqay munaasibadda casuumadda ah ee uu ku maamuusay.
Waxa kale oo iyagna halkaasi hadalo ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo qaar ka mid ahaa wasiirradii casuumadaasi joogay, kuwaasi oo dhamaantoodba madaxweynaha ku amaanay casuumadda balaadhan ee uu isugu keenay culimadii dalka.