Puntland Oo Dayacatiraysa Dhismayaasha Qadiimka Ah Ee Ciidamadii Daraawiishta Maxamed Cabdalle Xasan Ee Ku Yaalla Gudaha Somaliland

0
776

Xukuumadda Somaliland Oo Aan Ka War-qabin Qorshayaasha Maamul-gobolleedka Puntland

Maamul-Gobolleedka Puntland, ayaa sheegay inay dayactir ballaadhan ku sameynayaan dhismayaashii  Qadiimka ahaa ee ay deganaayeen Ciidamadii Daraawiishta ee hoggaaminayay  Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Dhismayaashan oo la dhisay muddo hadda la joogo Qarni,  waxaa ay ku yaallaan Degmada Taleex ee Gobolka Xeysimo  Beriga Somaliland, waxaana ka muuqda burbur xoogan oo ay gaadhsiiyeen Diyaaradihiin Ingiriisku wakhtigii ay la dagaalamayeen Ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Roobab dhawaan ka da’ay magaalada Taleex waxaa ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen dhismayaashaasi qadiimiga ah  ee la sheego inay ka sameysan yihiin dhagxaan iyo Caano Geel.

Markii ay roobabkaasi burburka gaadhsiiyeen dhismayaashan waxaa Halkaasi tagay Wefti ka socda maamulka Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ay sheegeen inuu maamulo Gobolka Sool ee beriga Somaliland.

Ninka Puntland ugu Magacaaban Guddoomiyaha Gobolka Sool, ayaa sheegay in dhismayaashani taariikh wayn ku leeyihiin dhulka Soomaalidu degto iyo maamulka Punltand-ba isla-markaana ay u baahan yihiin in lagu sameeyo dayactir,

“Waxaan u mahadcelinayaa Dadwaynaha ku nool magaalada Taleex ee aan ogolayn in xabad dhagaxa laga saaro dhismayaasha uu ka tagay Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Ahayd xaruntii Madaxtooyadii Soomaaliya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa waxaan leeyahay halaga faa’ideysto dhismayaashan oo waa inaynu dhisnaa si ay u noqdaan goobo loo soo Dalxiis tago, Puntland waxaa iman goobahan taariikhiga ah u iman kara Dalxiisayaal Badan”

Dawladda Somaliland oo Sannadkii hore Magacowday Gobolka Xeysimo oo Magaalo Madax ay u tahay Taleex, ayaan ilaa hadda ka hadal qorshaha Maamul-gobolleedka Puntland ku doonayo inuu ku soo faro-geliyo dhismayaasha halkaasi ku yaalla, oo Mustaqbalka noqon kara Goob loo Dalxiis tago oo Dawladdu ka faa’iiddo Dhaqaale.