Danjire Cawil Oo Ka Sheekeeyay Dhacdo Isaga Iyo Muuse Biixi Ay Xaalad Adag Dalka Kaga Saareen

0
867

Danjire Xuseen Cali Ducaalle oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii UDUB  ee  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,ayaa ka hadlay dhacdo kulmisay  oo ay iskugu yimaadeen Guddoomiyaha xisbi KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi oo markaa xisbigiisu u tartamayay hanashada kursiga ugu sarreeya iyo  Cawil oo ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumaddii UDUB  oo doonayay  in aan KULMIYE soo agmarin oo aanu doorashada kaga adkaan isla markaana ay labada xisbi aad u  kala fogaayeen arragti ahaan.

Danjire Cawil oo ah ergayga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan xukuumadda Axmed Siilaanyo, waxaa kale oo uu intaa ku daray  in kulankii isaga iyo guddoomiye Muuse dhex maray ay ku daweeyeen dagaal siyaasadeedkii xilligaa ee ka dhex taagnaa labada xisbi.

Cawil Cali Ducaale oo ka qayb galay  munaasibad Xisbiga KULMIYE ku soo  dhawaynayay Prof Samatar oo shalay lagu qabtay magaalada Boorama,ayaa yidhi.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego dhacdo na kulmisay Guddoomiye Muuse Biixi  ay lagama maarmaan tahay in  la ogaado, xilligii xukuumaddii UDUB ee aan ahaa  Wasiirka Maaliyadda,  Guddoomiye Muuse iyo Kulmiyena ay mucaaridka ahaayeen oo ay xaaladu meel  xaasaasi ah maraysay oo xataa caalamka oo na soo dhex galay ay isu keeni kari waayeen labada xisbi oo aad u kala fogaa oo KULMIY-na kursiga  hanashadiisa halgan ugu jiraan oo ay leeyihiin waa  nala cabudhinayaa UDUB,ayaa noo hanjabtay iyo UDUB oo taagan siduu Xisbi mucaarid ahi dawladda ula murmaa. Xisbiga  KULMIYE   waxay anniga ii yaqaaneen sharwadaha koowaad Madaxweyne Daahir waa nin nabadeed ee waxan oo dhan waxa wada Cawil. Halka xisbigayagii   UDUB-na uu aaminsanaa in dagaal oogaha KULMIYE uu  Muuse Biixi yahay. Iyadoo xaaladdu meel xun marayso ayuu habeen Guddoomiye Muuse iigu yimi gurigayga,waxaanu igu yidhi “Xaalku meel xun ayuu marayaa nabadu in ay innaga bur-burtaana wax ina anfaca maaha oo nabad ayaynu ku dhaqnaanaynaa ee aynu labada oday isu keenu.” Danjire Cawil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Markii aanu isla qaadanay  ee aanu labada oday subaxnimadii isu keenayba xaaladii taagnayd way degtay oo wax dambe oo la isku qabtay may dhicin.taasina waa mid aan guddoomiye Muuse uu ogahay oo u qoran waa ninkaa ku dhiiraday iyadoo halkaa la kala taagan yahay in uu ku soo dhiirado in uu ii yimaado oo aanu arrintaa labadayadu ka hawl galno waana geesinimo   iyo ku dhac uu leeyahay.”

Xuseen Cali Ducaale waxaa kale oo uu ka hadlay doorkii  saraakiishii gobolka Awdal ay ku lahaayeen inqilaabkii ay 61 ku doonayeen in ay Somaliland dib ugu soo celiyaan iyo  taariikh gaar ah oo ay isaga Booramau leedahay. Waxaanu ka mid noqday macalimiintii wax soo baray Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed.

“Boorama aniga taariikh ii gaar ah ayay igu leedahay meelwayna way igaga taalaa waana magaaladii aan shaqadii iigu horraysay ka bilaabay oo waxaan macalin ka noqday  Dugsigii Camuud oo ah imika Jaamacadda Camuud,Guddoomiye Saleebaan ayaan maalin waydiiyay tolow markii aan halkan  macalinka ka ahaa ardaydii aan wax u dhigi jiray cidi ma ka joogtaa dalka, laakiin Prof Saleebaan wuxuu iigu  jawaabay Wasiir anigaaba ka mid ahaa. Taasina waxay ii tahay farxad kale in ardaydaydii uu ka mid noqday Prof Saleebaan.waxaa kale oo  Boorama  ay Xusuus gaar ah iigu leedahay inqilaabkii aanu dhignay 61kii labdii sarkaal ee ugu qiimaha badnaa waxay ka soo jeedeen gobolka Awdal.”

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay ku soo biiridda Prof Samatar ee KULMIYE  iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed. Horta maanta  farxad ayay ii tahay in aan goob joog ka ahaado Prof  Samatar oo KULMIYE ku soo biiray waxaanay maanta(shalay) guul u tahay Somaliland oo dhan waa nin qaranku u baahan yahay wax bandanna inagu soo kordhin kara.muddo  badan ayuu daawade  ka ahaa siyaasada laakiin haddii uu is  caddeeyay waan  ku    hambalyaynayaa aniguna daawadayaasha ayaan ka mid ahay laakiin dhawaan ayaan is caddayn doonaa  xisbiyada ka aan  ku biirayo walise daawade ayaan ahay.”