Ciidamada RRU-da Oo Xalay Hawgal Balaadhan Ka Fuliyay Qaybo Kamida Magalada Borama

0
820

Wararka  naga soo gaadhaya magaalada borama ee xarunta gobolka awdal ayaa sheegaya in xalay abaaaro saacada geeska Africa markay ahayd 2:00 habeenimo ay ciidamada sida gaarka ah u tobabaran ee  la dagaalanka argagixisada ee RRU ay hawl galka balaadhan ka fuliyeen agagaarka Hotel Brothers ee magaalada borama.

Waxaana hawlgalkan ay ciidamadu xalay saqdii dhexe sameeyeen naloo sheegay inay kala baxeen hotelka Brothers nin aan ilaa hada haybtiisa la garanayn kaasi oo sida naloo sheegay habeenimadkii soo dagay hotelka isaga oo aan la garanayn cida uu yahay iyo halka uu ka yimi.

Ciidamadan ayaa qabtay ninkan sidoo kalena ciidamadu waxa naloo sheegay inay dhamaan ka aruriyeen mobile-dii ay siteen dadki daganaa hudheelkaasi iyaga oo sidoo kalena ciidamadu xidheen iskoys kaste oo soo mara hotelka.

Ninkan ay qabteen ciidamadu Ayaan ilaa hada la garanyn cida uu ahaa iyo halka uu ka yimi iyo waliba hawlgalka lagu qabtay ama uu rabay inuu fuliyo balse waxa naloo shegay in ninkaasi ay ciidamadu soo qabteen wax yar ka hor uun uu soo dagay hotelka.

Qolkan aan sawiradiisa idiin soo gudbinay waa qolkii uu daganaa ninka ay ciidamadu qabteen.

Si kasteba ha ahaatee Ciidamada kala duwan ee qaranka jamhuuriyada somaliland ayaa iyagu markaste heegan u ah ilaalinta iyo adkaynta nabad-galiyada dalka somaliland si ay dadkoodu ugu noolaadaan nabad iyo xoriyad.