Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ku biiray Xisbul Xaakimka Kulmiye

0
823

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta si rasmiya ugu biiray Xisbi Xaakimka Kulmiye.

Xaflada  soo dhaweynta Profesor oo ka dhacday Huteel Saw ee magaalada Boorama ayaa waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharax Madaxwayne ee Xisbigaas, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xubno kamida wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale oo ka socda Ururada Bulshada.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo munaasibaadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu xisbiga Kulmiye kusoo biro Profesor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamida siyaasiyiinta ugu cadcad dhulka Somalidu Degto, Guddoomiye Muuse waxaa kale oo uu sheegay in Axmed Ismaaciil Samatar aqoon iyo waayo aragnimo badan kusoo biirin doono Xisbiga Kulmiye.

Profesor Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasibadaasi ayaa sheegay in Somaliland iyadoon cidna waxba ka caawin ay horumar ka gaadhay dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada, Profesor Samatar waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in guud ahaan dalka laga wada dareemo horumarka ka jira caasimada.

Profesor Samatar waxaa uu sheegay in mashruuca dekada Berbera aanu ku koobnaa dekadaasi balse dekadaha kale ee dalka lawada dhiso si bulshadu horumar u wada gaadho oo aanay Somaliland magaalo kaliya u noqon.

Madaxwayne ku xigeenka, wasiiro ka tirsan xukuumada iyo masuuliyiin kale oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in  Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid noqdo Xisbiga Kulmiye.